Madaxwayne Xassan Sheekh oo Xarakada Alshabaab ku tilmaamayna inay leeyihiin Sifooyin Adag!!(Maxaa Kamid ah)

Madaxwayne Xassan Sheekh oo Xarakada Alshabaab ku tilmaamayna inay leeyihiin Sifooyin Adag!!(Maxaa Kamid ah)

daajis.com:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaayay Soonka, ayaa waxuuna Aad u Dhaliilay Xarakada Alshabaab,

Xasan Sheekh Maxamuud,ayaa sheegay in Alshabaab aysan laheyn wax diin ah islamarkaana ay ka tagtay Soon iyo salaadba taasina uu ku micneeyay mid ka baxsan Islaamka.

Madaxweynaha oo arrinta Alshabaab ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Kooxaha Nabad diidka ah ayaa waxaa dhaqan u ah in xiliga Ramadaanka argagax geliyaan umadda muslimiint ah, iskuna dayaan in ay u diidaan afurka, Taraawiixda iyo Taajudka. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliyeed arrinkaasi waa ka diyaar garowday, xoog badan ayeyna gelineysaa.

Sidoo kale Wuxuu Yiri Dadka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa inay dowladda kala shaqeeyaan sidiii dhammaanteen aan nabad ugu afuri lahayn, waxaan rabnaa in masaajidada cibaado iyo Alla tuug ku camirmaan oo aan ka faa’iideysano ajarka bisha Ramadaan.”

Madaxweynaha, ayaa markale yiri “Kooxahan Nabad diidka ah inay Salaadin oo aysan cibaadeysan waxaa daliil u ah in xiliga qofka muslimka ah dukanayo isku dayaan inay dilaan sida marar badan dhacday isagu ma dukado soo maaha ileen dadkii salaada dukanayey ayuu banaanka ku sugaayaye, mana soomaan oo xiligii afurka ayey weerarada soo qaadaan, marka qof xiliga afurka wax weeraraya waa qof aanan soomaneyn. Cadeyn ayey u tahay inay diintu ku camal falin kooxahan nabad diidka ah”.

Hadalka Madaxweynaha ayaa imaanayo Xilli Dowlada iyo shacbiga Soomaaliyeed ay qabaan dareen ku aadan Weeraro ka imaan karo dhanka Kooxda Alshabaab oo Dagaal iyo Weerarba kala soo horjeedo amisom iyo Dowladuba.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada