Dowlada Ciraaq oo la siiyay Diyaaraddo dagaal si ay isaga celiso Kooxda ISIS ee awooda lasoo baxday

Dowlada Ciraaq oo la siiyay Diyaaraddo dagaal si ay isaga celiso Kooxda ISIS ee awooda lasoo baxday

daajis.com:-Dowlada Ciraaq ayaa shaaca ka qaaday in ay heshay Diyaarado nuuca Dagaalka ah ay ugu tala gashay in ay kula dagaalanto Xoogaga Islaamiyiinta Sunniga u badan ee ISIS.

Diyaaradaha Dagaalka ee heshay Dowlada Ciraaq ayaa gaaraya ilaa Shan Xabo ,waxaana diyaaradahaasi lagu farsameeyay oo Dowlada Ciraaq siiyay Dowlada Ruushka kadib heshiis labada Dowladood dhax maray.


Wasaaradda difaaca Dalka Ciraaq ayaa ku warantay in diyaaraddaha dagaalka ay heleen ay dagaalka si toos uga qeyb qaadan doonaan isla markaana ilaa saddex ama afar maalmood ku qaadan doonto in ay howlgalka ku biiraan.

Diyaaraddaha dagaalka ee ka yimid Ruushka ayaa la sheegaya in uu qeyb ka yahay heshiis ay Dowladda Ciraaq la gashey mida Ruushka oo ku aadan in Ciraaq la siiyo diyaaraddaha dagaalka, waxaana heshiiskaas ku kacaya lacag gaaraysa $500 milyan.


Dowlada Ciraaq ayaa ka wal walsan awooda ay lasoo baxeen Xoogaga Islaamiyiinta ah ee qabsaday Magaalooyin dhoor ah oo kuyaala Dalkaasi hadana doonaya in ay weeraraan Caasimada Ciraaq ee Bagdaad.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada