Ciidamo loogu magac daray Nabad Ku-afur oo la dhigay qeybo ka tirsan Muqdisho

Ciidamo loogu magac daray Nabad Ku-afur oo la dhigay qeybo ka tirsan Muqdisho

daajis.com:-Degmooyinka gobolka Banaadir qaar ka mid ah ayaa la dhigay ciidamo loogu magac daray Nabad ku-afur iyo kuwo Boolis iyo Nabadsugid ka kooban oo loogu talagalay inay xoojiyaan amaanka magaalada Muqdisho, si ay shacabka Sooman nabad ugu afuraan.

Ciidamadan oo tiradooda gaaraya 300 ayaa waxaa loo qeybiyay degmooyinka iyo xaafadaha laga cabsi qabo iney weeraro ka geystaan Al-Shabaab ama inay wax kasoo tuuraan.

Ku dhawaad Boqol askari ayaa la dejiyay Warshaddii Barafuunka ee degmada Heliwaa, halkaasi oo maalmo ka hor ay ka guureen ciidamo ka tirsan AMISOM, kuwaasi oo wadooyinka lagu arkayay caawa.

Sidoo kale Boqol askari oo Nabad ku-afur ah ayaa waxaa lagu daadiyay agagaarka warshadda biyaha Caafi ee dhinaca Degmada Dayniile iyo jidka Warshadaha ee degmada Yaaqshiid.
 
Sidoo kale ciidamadan ayaa waxaa xarumo ay ka sameysteen agagaaraha Dekadda Muqdisho, Xabsiga Dhexe ee Xamar iyo qeybo kale.

Waxaa ciidamadan Nabad ku-afur barbar socda ciidamo kale oo Nabadsugid ah iyo kuwo Boolis ah, kuwaasi oo wadooyinka iyo Isgoysyada ka howlgalaya, kuwaasi oo gaadiidka baaraya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada