Daawo Muuqaal:- Gabdho Soomaali ah oo ku nool Holland oo isku gacan saaray tareen dhexdiisa xilli ay dad badan arkayan!

Daawo Muuqaal:- Gabdho Soomaali ah oo ku nool Holland oo isku gacan saaray tareen dhexdiisa xilli ay dad badan arkayan!

daajis.com:-Fadeexad iyo ceeb baaxad weyn ayaa waxaa la sheegay inay ku kaceen laba gabdhood oo Soomaali ah oo ku nool dalka Holland ka dib markii ay isku gacan saareen tareen dhexdiisa xilli ay halkaas ku sugnaayeen dad badan oo rakaab ah kuwaas oo la yaabay hab dhaqanka foosha xun ee gabdhahaas Soomaalida. 

Gabdhahaan Soomaalida oo u muuqday kuwa wada socday ayaa sabab aan la ogeyn waxay tahay waxaa soo kala dhexgalay muran xoogan iyadoona uu murankaas uu markii dambe isku badalay gacan ka hadal ay is fara saareen gabdhahaas Soomaalida, iyadoona ay ku adkaatey gabar kale oo la socotey gabdhahaas inay kala dhex gasho oo ay joojiso dagaalka dhexmaraayo gabadhahaas Soomaalida, Gabdhaas la socotey gabdhaha dagaalamay ayaa markii ay ku adkaatey inay kala dhexgasho oo ay joojisa dagaalkaas waxay qeylo dhaan u dirsatey qaar ka mid ah rakaabka tareenka inay ka caawiyaan sidii ay u kala dhex geli lahaayeen iyadoona markii dambe gabadhaas Soomaalida oo caawinaad ka heleyso qaar ka mid ah rakaabka tareenka ay ku guuleysteen inay joojiyaan dagaalka foosha xun ee dhxemarey gabdhahaas Soomaaliyeed.


Ugu dambeyntiina iyadoo aan dhab ahaan loo ogeyn waxa ka dhexeeyey ee keenay dagaalkaas iyo gacan ka hadalka dhexmarey gabadhahaas Soomaalida ayaa arinta foosha xun waxay tahay in gabdho Soomaaliyeed ay meel fagaaro ah oo bulsho dhexdeeda ah ay isku gacan saaraan maadaama ay arintaas meel ka dhac weyn ay ku tahay sharaft iyo dhaqanka suuban ee lagu yaqaanay gabdhaha Soomaaliyeed iyadoona ay arintaan ay yaab iyo amakaag ay ku noqotey qaar badan oo ka mid ahaa gaaladii saarneyd tareenkaas. 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada