Daawo Video:- Arin fool xun oo la yaab leh oo ka Xanaaqayn Shacabka ku Dhaqan Magalaada Muqdisho oo la shegay!

Daawo Video:- Arin fool xun oo la yaab leh oo ka Xanaaqayn Shacabka ku Dhaqan Magalaada Muqdisho oo la shegay!

daajis.com:-Arin fool xun oo la yaabna leh islamarkaana ku ah meel ka dhac dhaqanka suuban ee dadka Soomaaliyeed iyo waliba diinta islaamka ayaa waxaa la sheegay inay mudooyinkii ugu dambeeyey ay ku soo korodhay magaalada Muqdisho iyadoona ay weriyayaal ka mid ah idaacada Mustaqbal ee magaalada Muqdisho oo baaritaan ku sameeyey arintaan ay u soo bandhigeen shacabka Soomaaliyeed arintaan la yaabka leh ee ka baxsan caadada iyo dhaqan iyo diinta dadka Soomaaliyeed. 

Arin foolxumo ah oo aan horey loogu aqoon kuna cusub magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegay inay ku soo korodhay mudooyinkii ugu dambeeyey. Arintaan oo ah mid meel ka dhac ku ah dhaqanka iyo diinta islaamka ee dadka soomaaliyeed ayaa waxay tahay in magaalada Muqdisho ay ka bilaabmeen goobo ay ku kulmaan dhalinyarada wiilal iyo gabdho isugu jira kuwaas oo halkaas ku isticmaalaaya waxyaabaha maanka dooriya oo ay ka mid yihiin qamriga xashiishka iyo shiishada, dhalinyaradaas ayaa waxaa ay inta ay ku sugan yihiin goobtaas waxaa ay ku baashaaleen heeso iyadoona ay goobtaas ku soo bandhigaan lamaaneyaal qoob ka ciyaar xilli ay qaar kale oo ka mid ah dhalinyaradaas ay sacabka iyo jaanta ay ugu deeqayaan, Goobahaas ayaa waxaa kale oo ka jira edeegyo ka baxsan anshaxa islaamka iyo kan Soomaalidaba.


Ugu dambeyntiina iyadoo arintaan ku soo korortay magaalada Muqdisho ay tahay mid laga naxo islamarkaana meel ka dhac ku ah dadka Soomaaliyeed ayaa waxay u taalaa wax ka qabashadeeda dowlada Soomaaliyeed maadaama ay ka imaan karto qatar weyn oo la xiriirta mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed, Booliiska magaalada Muqdisho iyo ciidamada Asluubta iyo guud ahaan dadka ay quseyso arintaas ayaa waxay ku tahay waajib inay ka hortagan caadadan xun ee ku soo korortey magaalada Muqdisho waayo waxay arintaan ka mid tahay waxyaabaha amaanka iyo sumcada caasimada dalka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho wax u dhimaaya

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada