Madaxweynaha oo umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeyey dhalashada bisha Ramadaan

Madaxweynaha oo umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeyey dhalashada bisha Ramadaan

daajis.com:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dadka muslimiinta ah gaar ahaan umadda Soomaaliyeed ugu hambalyeyey dhalashada bisha barakeysan ee Ramadan.

“Dadka Soomaaliyeed ee muslimiinta ah meel kasta ee ay caalamku kaga nool yihiin waxaan leeyahay Ramadaan Kariim, waxaan Ilaahey ka rajeynayaa in cibadadeennu aqbalo, kana dhigo soonkii dambi dhaafka umadda Soomaaliyeed, soonkii is-cafinta, soonkii isku naxariisashada” ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay umadda Soomaaliyeed inay iska warqbaan kooda afur heysta iyo midkaan heysan.

 ”Daruufo badan ayaan ku jirnaa walaalo badan oo Soomaaliyeed oo daruufeysan ayaa jira, dadka Soomaaliyeed waxaan u soo jeedinayaa bisha Ramadaan fadligeeda inay is-cafiyaan, in ay kaalmeeyaan waalalahooda dan-yarta ah, qof walba inuu xaqiijiyo in walalkiisa dan-yarka ah ee dariska la ah in uu afur heysto haddii uusan heysanna aad la wadaagto wixii aad adiga heysato oo aad wada afurtaan”.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu bilowday barnaamij loogu magac daray nabad ku afur. “Waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed u sheego inuu socdo lana hergeliyey barnaamij cusub oo la yiraahdo nabad ku afur, waa barnaamij amni waa barnaamjij loogu talagalay in dadku nabad ku afuraan, ku saxuurtaan kuna joogaan”.


Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay dhagarta kooxaha nabad diidka ah xiliga bisha Ramdaan ayii yiri, “Kooxaha Nabad diidka ah ayaa waxaa dhaqan u ah in xiliga Ramadaanka argagax geliyaan umadda muslimiint ah, iskuna dayaan in ay u diidaan afurka, Taraawiixda iyo Taajudka. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliyeed arrinkaasi waa ka diyaar garowday, xoog badan ayeyna gelineysaa. Dadka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa inay dowlada kala shaqeeyaan sidiii dhammaanteen aan nabad ugu afuri lahayn, waxaan rabnaa in masaajidada cibaado iyo Alla tuug ku camirmaan oo aan ka faa’iideysano ajarka bisha Ramadaan”.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa yiri. “Kooxahan Nabad diidka ah inay Salaadin oo aysan cibaadeysan waxaa daliil u ah in xiliga qofka muslimka ah dukanayo isku dayaan inay dilaan sida marar badan dhacday isagu ma dukado soo maaha ileen dadkii salaada dukanayey ayuu banaanka ku sugaayaye, mana soomaan oo xiligii afurka ayey weerarada soo qaadaan, marka qof xiliga afurka wax weeraraya waa qof aanan soomaneyn. Cadeyn ayey u tahay inay diintu ku camal falin kooxahan nabad diidka ah”.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada