Milkiilayaasha iyo Weriyayaasha Webseedyada ee ka howlgalo muqdisho oo kala carar ku jiro iyo Milkiile Web oo Jeelka la dhigay.

Milkiilayaasha iyo Weriyayaasha Webseedyada ee ka howlgalo muqdisho oo kala carar ku jiro iyo Milkiile Web oo Jeelka la dhigay.

daajis.com:-Waxaa magaalada Muqdisho ka bilowday kala carar soo food-saaray Milkiilayaasha iyo Weriyayaasha Webseedyada ee ka howlgalo Magaalada Muqdisho.

Kala cararka ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo Ciidamada Ammaanka Dowlada Federaalka ayaa iminka Jeelka dhigay Milkiile Webseed oo lagu magacaabo Eng. Cabdi Casiis Cabsi Xaashi.

Eng. Cabdi Casiis Cabsi Xaashi oo ah Milkiilaha Webka Warqaad, ayaa waxa uu maalintii Lixaad u xiran yahay Ciidamada Ammaanka isagoona iminka ku jiro Xabsi ku yaallo Madaxtooyada Somalia, mana jirto cid ka warheyso Xariga Weriyahaasi.

Wararka qaar waxa ay sheegayaan in lagu qabtay Howlgalo ay Ciidamada Dowlada ka sameyneysay Magaalada Muqdisho, halka warar hoose oo kaasi Khilaafsan lagu sheegay in Eng. Cabdi Casiis Cabsi Xaashi uu mudooyinkaani Gaf ka galaayay dowlada gaar ahaan Dam-jadiid taasina ay dhashay in la fartilmaamo sidaana lagu qabtay.

Lama garanaayo sida ay Dowlada Somalia ka yeeli doonto Milkiilaha shabakada Warqaad, waxaana laga cabsi qabaa in laga saaro Jeelkaasi ku yaalo Madaxtooyada oo loo wareejiyo Xabsiyo kale oo qarsoodi ah.

Xariga Eng. Cabdi Casiis Cabsi Xaashi ayaa waxa uu sababay in Milkiilayaasha iyo Weriyayaasha Webseedyada ee ku nool Magaalada Muqdisho soo foodsaaray kala carar iyo dhuumasho, ka gadaal markii Xarigaasi loo fahmay mid lagu beegsanaayo Milkiilayaasha, Weriyayaasha Webseedyada.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada