R.W Abdiwali oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Muqdisho(Sawirro).

R.W Abdiwali oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Muqdisho(Sawirro).

daajis.com:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta dalka dib ugu soo laabtay, Kaddib markii ay ka qeyb galeen Shir-madaxeedkii 23-aad ee Midowga Afrika oo ka dhacay magaalada Malabo ee Equatorial Guinea, waxaana si diiran ugu soo dhaweeyay garoonka Muqdisho masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda iyo dadwayne farabadan.


Ra’iisul Wasaaraha oo saxaafadda kula hadlay garoonka Muqdisho, ayaa faah faahin ka bixiyay qodobadii kasoo baxay shirka, iyo ahmiyadda uu Soomaaliya u lahaa shirkaas, waxaana sidoo kale uu ka warbixiyay kulan uu la qaatay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo qaar kamid ah madaxdii shirka kasoo qeyb galay.

“Dalkeennu wuxuu kasoo kabanayaa dhibaatooyinkii ka gaaray dhinac walba, waxyaabaha qorshaha noogu jira ee shirka ka cadaynay waxaa ka mid ah sidii dib loogu soo nooleyn lahaa wax soo saarka beeraha Soomaaliya, si kor loogu qaado dhaqaalaha dalka, looguna abuuro shaqooyin dadka Soomaaliyeed, si loo yareeyo shaaqo la’aanta, aad ayay madaxdii Afrika u soo dhaweeyeen qorshaha Xukuumadda uga dagsan wax soo saarka dalkeenna, waxayna ballan qaadeen in nalaga caawin doono sidii aan himilladaas u gaari lahayn” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo dhinaca kale ugu baaqay beeralayda Soomaalidu inay ka faa’iidaystaan khayraadka dalkooda.
Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa ka tacsiyadeeyey dil maanta Muqdisho loogu geystay laba askari oo ka tirsanaa ciidamada Booliska Soomaaliyeed, “Waxaana ugu baaqayaa ciidamada amnigu iney sii xoojiyaan feejignaanta xagga amniga, waxaana farayaa dhammaan ciidamada qalabka sida in ay laba laabaan ka hortagidda iyo beegsiga cadowga uu ku hayo bulshada, Shacabka Soomaaliyeedna ha garab istaagaan ciidamada Amniga si aan uga guuleysano ficillada ay kooxaha argagixisada bisha Ramadaan ummadda Soomaaliyeed u soo maleegayaan”ayuu yiri RW
Ugu danbeyntii, Shirka Madaxda Afrika sannadkan waxaa diiradda lagu saaray horumarinta beeraha, waxaana mudadii uu shirku socday qalinka lagu duugay heshiis dhigaya in si rasmi ah loo howlgaliyo ciidamadda heeganka oo ay yeelanayaan dalalka ku bohoobay Bariga Afrika ee lagusoo gaabiyo (EASF)

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada