Afhayeenka Booliska oo ka warbixiyay howl galadii ugu dambeeyay ee ciidamada Amniga ka sameeyeen Muqdisho

Afhayeenka Booliska oo ka warbixiyay howl galadii ugu dambeeyay ee ciidamada Amniga ka sameeyeen Muqdisho

daajis.com:-Afhayeenka Booliska Col. Qaasim Axmed Rooble ayaa ka warbixiyay howl gal ballaaran oo maanta laga sameeyay qeybo ka mid ah magaalada muqdisho, iyadoo howl galkan uu saameyn ku yeeshay Jidka Maka Al-Mukarama.

Col. Qaasim ayaa sheegay in howl galkan uu ahaa mid ammaanka lagu xaqiijinayay, isagoo xusay in magaalada oo dhan uu ka socdo, ayna ku dadaalayaan inuusan saameyn ku yeelan adeega bulshada oo uu socdo.

“Howl galkan amniga ayaa lagu xaqiijinayay, magaalada xamar oo dhan ayuu ka socday, waxaa ku dadaaleynaa in adeega bulshada uu socdo, hadii hakado ay yimaadeen iyo meelihii qaar ee la marayay howl galku saameeyay waan ka raali gelineynaa”ayuu yiri Afhayeenka Booliska.

Afhayeenka Booliska ayaa sheegay inay xogo ay heleen hey’adaha ammaanka oo ku aadan falal amni daro, isagoo xusay in howl galka ay dad u soo qab qabteen iyo waxyaabo kale.

“Howl galka ilaa iyo hada waxaa lagu soo qabtay dad badan oo ah wiilal yar yar oo la soo qalday, runtii waxaa u soo bandhigi doonaa saxaafada”ayuu yiri Afhayeenka Laamaha amniga dowladda Col, Qaasim Axmed Rooble.

Howl galkan maanta laga sameeyay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadada maka al-mukarama ayaa ku soo beegmaya, iyadoo maanta dilal kala duwan ay ka dhaceen Muqdisho, kaasoo ugu dambeeyay dil loo geystay Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaankii KMG ahaa.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada