XOG:- Maleeshiyada Axmed Madoobe oo u goostay dhinaca Col. BARRE HIIRAALE

XOG:- Maleeshiyada Axmed Madoobe oo u goostay dhinaca Col. BARRE HIIRAALE

daajis.com:- In ka badan 20 askari oo ka tirsan maamulka Axmed Madoobe ayaa la sheegay in ay u goosteen dhinaca Korneel Barre Aadan Shirre Hiiraale oo ku sugan deeganka Goobweyn ee gobalka Jubbada Hoose.

Sarkaalka hoggaaminaya ciidamada ka goostay maamulka KMG ah ee Jubba ayaa ka warbixiyay sababta ugu goosteen dhinaca Barre Hiiraale iyo wax yaabaha ay qoonsadeen.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Farxaan Daahir Shidane ayaa sheegay in ay ka mid ahaayeen ciidamadii ugu horreeyay ee lagu soo tababbaray Kenya isla markaana Shabaab ka saaray magaalada Kismaayo.

Wuxuu sheegay oo kale in ay qoonsadeen kaddib markii ay arkeen in maamulka KMG ah ee Jubba ay awooda kala wareegeen koox jabhad ah oo lagu magacaabo Raaskambooni sidda uu hadalka u dhigay.

Sarkaalkan ayaa xusay in Jabhadda Raskambooni oo ah hal qabiil in ay magaalada Kismaayo ka billaabeen in ay shir qoolaan ciidamada kale ee ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba kuwaasoo lagu dilay magaalada Kismaayo.

Mar la weydiiyay qaabka ay uga soo goosteen maamulka Axmed Madoobe, wuxuu sheegay in ay ka mid ahaayeen ciidamo badan oo laga soo saaray magaalada kuwaasoo la dajiyay meel ku dhow garoonka diyaaradaha Kismaayo kaddibna ay sidaas ku soo baxsdeen sidda uu yiri.

Wuxuu sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay u soo goostaan Korneel Barre Hiiraale isagoona intaas  ku daray in dhawaan magaalada Kismaayo laga saari doono Jabhadda Raaskambooni ee xoogga ku qabsaday magaalada sidda uu hadalka u dhigay.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka KMG ah ee Jubba oo ku aadan ciidamada la sheegay in ay ka goosteen ee ku biiray korneel Barre Hiiraale hadda ku sugan deeganka Goobweyn oo 8km  jirta Kismaayo.


source:caasimada FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada