Daawo Sawirada:- Wiil Dhalinyaro ah oo Labadiisa Lugood ku waayay qaraxii dhawaan lagu weeraray Xarunta Baarlamaanka

Daawo Sawirada:- Wiil Dhalinyaro ah oo Labadiisa Lugood ku waayay qaraxii dhawaan lagu weeraray Xarunta Baarlamaanka

daajis.com:-Wiil Dhalinyaro ah oo kamid ahaa Ardayda wax kabarata Iskuulada Sare ee Magaalada Muqdisho ayaa lixaadkiisa ku waayay weerar Ismiidaamin gaari loo adeegsaday oo labo maalin kahor lagu qaaday Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Liibaan Cali Xaashi Wehliye oo ah Wiil 18-sano jir ah ayaa marayay meel aan ka fogeyn taalada Sayidka ee Magaalada Muqdisho xili gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu isku qarxiyay afaafka hore albaabka laga galo Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Wiilkan Dhalinyarada ahaa oo dhiganayay Dugsiga Sare ayaa hada lagu daweenayaa isbitaalka Banaadir ee Magaalada Muqdisho, waxa uuna wiilkaan Qaraxii lagu qaaday Xarunta Baarlamaanka uu ku waayay labadiisa lugood.

Nuur Xalane Wehliye oo Adeer u ah Liibaan Cali ayaa sheegay in Wiilkooda uu la xanuunsanayo dhaawacii kasoo gaaray qaraxa ka dhacay afaafka hore ee Xarunta Baarlamaanka , waxa uuna tilmaamay in Liibaan uu qaraxa ku waayay adimadiisa isagoona ilaah uga baryay in caafimaad Siiyo.

Adeerka Wiilkan dhibanaha ah ayaa ugu baaqay dhamaan shacabka Soomaaliyeed in ay u duceeyaan Liibaan Cali Xaashi ayna gacan ka geystaan sidii uu kaalmo caafimaad u heli lahaa.

Inta badan Qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho ayaa waxyeelo waxa ay kasoo gaartaa dad rayid ah oon waxba galabsan, kuwaa oo qaarkood noloshooda ku waaya halka kuwa kalan aay ku waayaan lixaadkooda.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada