Daawo Muuqaal Argagax leh:- Askari Mareykan ah oo si naxariis daro wado dhaxdeeda ugu feeraya Gabar Madow ah.

Daawo Muuqaal Argagax leh:- Askari Mareykan ah oo si naxariis daro wado dhaxdeeda ugu feeraya Gabar Madow ah.

daajis.com:-Waxaa Barta Youtube-ka lasoo dhigay Muuqaal argagax leh oo laga soo qaaday Askari Cadaan ah oo katirsan Ciidamada Mareykanka kaa oo si xun wada laami ah dhinaceeda ugu garaacaya Gabar Madow ah .

Gaadiid iyo dad ku safrayay laamiga ugu wayn magaalada Los-angels ee dalka Maraykanka ayaa argagax ka qaaday Askari Katirsan Booliiska oo si xun laamiga dhinaciisa ugu garaacaya Gabar Madow ah oon wali la ogeyn waxa ay sameesay.

Mid kamid ah dadkii ku safrayay jidkaasi ayaa kaamirad ka duubay askariga oo si naxariis dara ah dhulka u dhigay kadibna feer la dhacaya Gabadha Madowga ah oon wadan wax hub ah sidoo kale aan dagaal kala hor imaan.

Waxaa markii dambe askariga gabadha garaacayay u yimid Booliis kale oo gacan ku siiyay gabadha uu jir dilay in ay katiinad ku xiraan ayna gaari ku qaadaan, waxaana wali dad badan isweediinayaan sababta askarigan uu sidan ugu garaacay gabadha Madowga ah.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada