Agaasimihi:- Hore ee hay'adda Nabad sugidda oo maanta loo dhaariyay mudane ka tirsan Baarlamaanka

Agaasimihi:- Hore ee hay'adda Nabad sugidda oo maanta loo dhaariyay mudane ka tirsan Baarlamaanka

daajis.com:-Agaasimhii hay'adda Nabad sugidda ee dowladda Soomaaliya Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa maanta si rasmi ah uga mid noqday xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, kadib marki loo dhaariyay xilkaasi.

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Baarlamaanka mudane Mahad Cabdalla Cawad aaya Baarlamaanka ku hordhaaiyay Bashiir Goobe inuu si rasmi ah uga mid noqday xildhibaanda Soomaaliya.
 
Kursiga maanta loo dhaariyay agaasimihii hay'adda Nabad sugidda ayaa waxaa horray isaga casilay nin ay walaalo yihiin oo lagu magacaabo Qaasim Maxamed Jaamac.
 
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa mudooyinkaan dambe kusoo badanayay inay ka mid noqdaan mas'uuliyiin xilal kale duwan ka hayay dowladda, kuwaasi oo laga qaaday xilka, akdib na ku biiray Baarlamaanka si ay ugu sii jiraan siyaasadda Soomaaliya.
 


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada