Daawo Sawirada:- Muqdisho oo si weyn looga diyaar garoobayo Ciidul Fidriga

Daawo Sawirada:- Muqdisho oo si weyn looga diyaar garoobayo Ciidul Fidriga

daajis.com:-Magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga dareemayaa diyaar garow xooggan oo loogu jiro maalinta Ciidul Fidriga, iyadoo Suuqyada Muqdisho ay yihiin kuwo saxmad badan oo dadku meel ay kala istaagaan adag tahay in la helo.

Suuqyada Muqdisho ayaa waxaa soo buux dhaafiyay Caruur waalidiintooda gacmaha ka haysta iyo dhalinyaro ka dukaameysaneysa si ay isugu diyaariyaan maalinta ciidul fidriga oo ah maalin ku weyn Muslimiinta.

Suuqa Xamar Weyne, Bakaaro, Suuq Bacaad iyo Kaaraan ayaa marka aad u dukaameysi doonato waxaa adag meel aad cagta dhigto ciriiri awgeed.

Ganacsatada ayaa wadooyinka soo dhoobay dhar kala duwan, kabo, iyo alaabaha ay caruurta ku ciyaaraan oo dalka China ugu yimaada Somalia.

Suuqa Xamar Weyne oo ah Suuq sanadihii u danbeeyay soo kobcanayay ayaa waxaa uu sanadihii hore aad ugu duwan yahay dhinac walbo marka la fiiriyo, waxayna dadku ku mashquulsn yihiin iibsashada labiska dharkii ay maalinta ciida iyaga iyo caruurtooda xeran lahaayeen.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada