Al-Shabab oo sheegatay weerarada xalay ka dhacay Kenya

Al-Shabab oo sheegatay weerarada xalay ka dhacay Kenya

daajis.com:-Al-shabaab ayaa xalay weerar khasaare xoogan dhaliyay ku qaatay Jasiirada Lamu ee dalka Kenya, iyadoo weerarkaasi ay ku dhinteen 14 qof, tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Weerarkaan oo ka dhacay labo goobood, waxaana kan koowaad lagu qaaday Jasiirada Lamu oo Lix qof ay ku dhinteen, halka weerarka kale uu ka dhacay deegaanka Gambe.

Kooxaha weerarka geystay ayaa guryo ku gubay deegaanka ay Hindidu ku badan tahay ee jasiirada Lamu, waxay sidoo kale weerareen saldhig ciidan.
Al-Shabaab ayaa mas’uuliyada weerarkaan sheegatay, in kooxihii weerarkaasi fuliyayna ay si nabad ah dib ugu soo laabteen halkii ay ka weerar tageen.

“Innaga ayaa weerarradaas qaaday waxaana ku dilnay dad badan, xoogaggeenniina waxay dib ugu soo laabteen iyagoo nabad qaba halkii ay ka duleen,” ayuu yiri afhayeenka howlgallada Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu-Muscab.

Deegaanka Hindida ay ku badan tahay ee Jasiiradda Lamu ayaa waxay ku dhow dahay degmada a Mpeketoni oo bishii hore uu ka dhacay weerarro ay ku dhinteen 63-qof, kuwaasoo ay mas’uuliyaddooda sheegatay Al-shabaab.

Jasiiradda Lamu ayaa waxaa bishii lasoo dhaafay  ka dhaca weerar ay ku dhinteen 60-qof kuwaasoo ay sheegatay Al-shabaab, deegaankaas burbur xooggan uu kasoo gaaray dhismayaasha deegaanka iyo saldhigyada booliiska ee Mpeketoni.

Weerarkaas ayaa waxaa sheegatay Al-shabaab, inkastoo madaxweynaha Kenya uu sheegay in weerarkaas uu ahaa mid ay ka dambeeyeen shabakado Kenyan ah oo uusan magacyadooda carra-baabin.


Mushkilada dowladda Kenya ka haysata Al-Shabaab ayaa ah sababta ay ciidamadeeda ugu soo dirtay Somalia oo kaga sugan 4,000 askari oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasoo dagaal kula jira xoogagga Al-shabaab ee ku sugan deegaannada Koonfurta Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada