Cabdi Weli oo hadal aan laga fileyn uu kasoo yeeray isaga oo qirtay inuu ku…

Cabdi Weli oo hadal aan laga fileyn uu kasoo yeeray isaga oo qirtay inuu ku…


daajis.com:-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/Weli Sheekh Axmed oo shalay ka hadlayay shir amniga looga hadlayay ayaa hadal aan laga fileyn oo niyad jab ku ah ciidamada dowladda Soomaaliya sheegay, isaga oo muujiyay sida ay ugu wareersan yihiin habka dagaalka Al-Shabaab.

Ra’iisul wasaaraha wuxuu sheegay inay arki jireen dagaal toos ah, ciidamo is weeraraya, laakiin dagaalka alshabaab ayuu ku tilmaamay mid ay ku adagtahay dowlada sidii ay isaga difaaci lahayd.

C/weli Sheekh Axmed wuxuu xusay in dowladu wax kasta kaga itaal fiican tahay alshabab, sida hubka ciidamada iyo dowladnimada, laakiin aysan heyn habkii ay u wajihi lahaayeen dagaalka alshabaab wadaan.

“Ma heyno wadadii aan u mari laheyn dagaalka al-shabaab”ayuu yiri Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed.

Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay Al-Shabaab ay bartilmaameedsanayaan cid kasta islamarkaana aysan ku dagaalameyn dagaalkii la yaqaanay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa shir la galay saraakiisha ciidamada Boliiska iyagoo ka wada xaalada amni ee dalka, xili Ra’iisul wasaaruhu qirey in xaalad nabad gelyo xumo ay Muqdisho ku jirto loona baahan yahay sidii looga hortagi lahaa.

“Hay’adaha amaanka waxaan leeyahay diyaariya naqshadii lagu wajihii lahaa A-Shabaab, islamarkaana amaanka caasimada lagu xaqiijin lahaa” ayuu mar kale yiri Cabdi Weli

Hadalka aan diblomaasiyadeesneyn ee Cabdi Weli, ayaa sii dhiiri gelin kara qas-wadayaasha Al-Shabaab.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada