DF Somalia oo fashiliyay weerarro badan oo Shabaab Muqdisho ku soo qaadi rabeen

DF Somalia oo fashiliyay weerarro badan oo Shabaab Muqdisho ku soo qaadi rabeen

daajis.com:-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in la fashiliyay weerarro badan oo Shabaab ay rabeen in bishan barakeesan Ramadaan ay ka geesato magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Afhayeenka hey’addaha ammaanka Gaashanle Dhexe, Qaasim Axmed Rooble ayaa war-fidiyeenka u sheegay in ciidamada ammaanka ay ka hortageen weerarro badan oo Shabaab ay damacsanaayeen in ay ka geestaan bishan Ramadaan Kaddib markii ay heleen xog ku saabsan arrintaas sidda uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay marka loo eego weerarrada iyo dilalka Shabaab ka geesatay Muqdisho bishan Ramadaan in ay la egtahay boqol kiiba hal.

Afhayeenka hey’addaha ammaanka ayaa soo dhaweeyay barnaamijka NABAD KU AFUR ee madaxda dowladda ku dhawaaqday bishan Ramadaan si loo adkeeyo ammaanka Kaddib markii Shabaab ay sheegtay in labo jibaareyso weerarrada iyo dilalka.

Wuxuu sheegay in barnaamijkaas uu ahaa mid loo baahnaa oo waqtigiisa lagu soo beegay isagoona intaas ku daray in ciidamada booliska ay heegan ku jiraan marka loo eego qorshaha Shabaab ay wadaan.

Hadalka afhayeenka hey’addaha ammaanka ayaa ku soo beegmaya iyadoo dad badan oo u dhuundaloola arrimaga ammaanka ay lee yihiin barnaamijka Nabad ku Afur wuxuu isku badalay Cabsi ku afur.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada