TopNews:- Ahlu sunna oo ciidamo usoo direyso Muqdisho haddii…..

TopNews:- Ahlu sunna oo ciidamo usoo direyso Muqdisho haddii…..


daajis.com:-Ururka Ahlu sunna Waljamaaca ayaa markii ugu horeysay sheegay in  ciidamo ka tirsan maamulkooda ay usoo dirayaan magaalada Muqdisho, laakiin sharuud ayay ku xireen.

Gudoomiyaha gudiga fulinta Ahlu sunna Sheikh C/risaaq Maxamed Al-ashcari  ayaa ugu horeyn sheegay in amni darada ka jirta magaalada Muqdisho ay tahay habacsanaan dhanka dowlada Soomaliya.

Wuxuu sheegay in ciidamada Ahlu sunna ay sugi karaan amaanka magaalada Muqdisho ayna ku filan yihiin, laakiin wuxuu ku xeray sharuud ah in laga soo dalbado oo dowlada Soomaaliya ay ka codsato.

“Dhowr jeer waan sheegnay baaqan oo kale, haddana waan ku celinaynaa waxaana leennahay haddii ay naga dalbato dowladda Soomaaliya inaan ka taageerno sugidda amniga Muqdisho diyaar ayaan u nahay,” ayuu yiri Sheekh C/risaaq Al-Ashcari.

Wuxuu sidoo kale cadeeyay in ciidamadoo ay diyaar u yihiin inay xaqiijiyaan amaanka magaalada Muqdisho gaar ahaan xarumaha muhiimka ah sida garoonka, dekada iyo madaxtooyada Soomaaliya.

“Amni-darrada Muqdisho waxaa sabab u ah habacsanaan dhinaca ammaanka ah oo haysata laamaha amniga dowladda Soomaaliya, waxaana hubaal ah in haddii aan la helin hannaan dhameystiran oo lagu sugayo amniga inaan lagu guuleysan karin in amniga la sugo lagana hortago weerarrrada Al-shabaab,” ayuu hadalkiisa raaciyay Sh. Al-Ashcari.

Ugu dambeyntii gudoomiyaha  gudiga fulinta Ahlu sunna ayaa sheegay in qaraxyada ka dhacaya magaalada Muqdisho ay sababtooda leeyihiin hayadaha amniga oo aan si dhab ah u wada shaqeyn.

Ma kula tahay in Ahlu-sunna ay amaanka muqdisho wax weyn ka badali karto waa sida ay hadalka udhigeeni?


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:22 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada