Daawo Sawirada:- Ciidamada Isra’iil oo si xun u jir dilay Wiil 15-sano jir Reer Falasiin ah

Daawo Sawirada:- Ciidamada Isra’iil oo si xun u jir dilay Wiil 15-sano jir Reer Falasiin ah

daajis.com:-Waxaa xabsiga laga siidaayey wiil 15 sano jir ah oo ay ciidamada Isra’iil si xun u jirdileen xili uu ka qeyb qaadanayey banaanbaxii ka dhacay Qudus ee looga soo horjeeday dilka wiil reer Falastiin ah.

Taariiq Abu Khadiir oo ah 15 sano jir ayaa ah Falastiini heysta dhalashada Maraykanka waana wiil ay illmo adeer yihiin Maxamed Abu Khadiir oo ahaa 17 sano jir ay Yuhuuda ku dileen bariga magaalada Qudus Arbacadii lasoo dhaafay.

Taariiq ayaa kamid ahaa dhalinyaradii ka qeyb qaadanayey banaanbaxyo ka dhacay bariga magaalada Qudus kuwaasi oo looga soo horjeeday dilka Maxamed Abu Khadiir oo laga afduubay xaafadooda Arbacadii lasoo dhaafay xili uu salaadii subax u socday masaajidka.


Maamulka Isra’iil ayaa sheegay in ay hada gacanta ku hayaan lix qof oo Yuhuud ah oo ay sheegeen in loo heysto dilka Maxamed Abu Khadiir. Wiilkaasi reer Falastiin ayaa la sheegay in la gubay isagoo nool.

Dhinaca kale diyaaradaha dagaalka ee Isra’iil ayaa sii wada duqeymaha ay la beegsanayaan magaalada Gaza.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada