SAWIRRO:- 29 qof ee Al-Shabaab ku dishay weerarkii Kenya

SAWIRRO:- 29 qof ee Al-Shabaab ku dishay weerarkii Kenya

daajis.com:-Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay weeraro xalay Al-Shabaab ku qaatay deegaanada xeebta ee Soomaaliya u dhow, iyadoo tirada hadda la diiwaan geliyay dhimashada ay tahay 29 qof.

Muuqaal laga soo qaaday goobta weerarka ka dhacay ayaa muujinayaa dad gacmaha laga xerxeray oo rasaas iyo baagado lagu dilay, lana dul saaray kutubka Bible.

Hay'adda bisha Cas ayaa sheegtay in Labaatan qof lagu dilay Gamba oo ka tirsan Tana River, halka Sagaal kale lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xarun ganacsi ee deegaanka Lamu ee u dhow Soomaaliya.

Goobaha la wareeray ayaa waxaa ka mid ah meel lagu daawanayay ciyaaraha adduunka.xasuuq-kenyatti-1
Dadka la dilay ayaa waxaa ku jiray Sarkaal Boolis ah oo xiligaasi loogu galay saldhiga, iyadoo sidoo kale kooxaha weerarka soo qaaday ay saldhiga kala baxeen nin u xernaa weeraro hore oo gobolkan ka dhacay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay weerarkan, iyadoo tilmaamtay in maliishiyadii fulisay ay si nabad ah kusoo laabteen fariisinkii ay ka duulaan tageen. 








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:05 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada