Daawo Sawirada:- Qarax ka dhashay Gaari waxyaabaha qarxa lagu soo xiray oo saakay ka dhacay Magaalada Muqdisho

Daawo Sawirada:- Qarax ka dhashay Gaari waxyaabaha qarxa lagu soo xiray oo saakay ka dhacay Magaalada Muqdisho

daajis.com:-Waxaa saakay Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir ka dhacay qarax ka dhashay gaari yar oo waxyaabaha qarxa lagu soo xiray ,kaa uu lahaa shaqaale katirsan Dakada Weyn ee Magaalada Muqdisho.

Gaariga ayaa xiliga uu qarxayay yaalay goob barxad ah uu dhigtay ninka islahaa , mana jiraan ilaa hada wax qasaaro ah oo ka dhashay qaraxa gaarigaasi lagu xiray oo si weyn looga maqlay Degmada Xamar Weyne.

Sida Wararka aan ku heleyno gaariga waxyaabaha qarxa lagu xiray waxaa iska lahaa Maareeye kuxigeenka Dakada Muqdisho ee qeybta Canshuuraha ninka lagu magacaabo Cabdi Cali , waxa uuna gaariga yaalay guri uu dagan yahay hortiisa, mana jirin cid saarneed markii uu qarxayay .

Qaraxyada gaadiidka loogu xiro Masuuliyiinta iyo shaqaalaha Dowlada Soomaaliya ayaa mudooyinkan dambe noqday kuwa kusoo kordhay Magaalada Muqdisho, qaraxyadan ayaana Masuuliyiinta iyo dadka kalaba ku beertay cabsi ku aadan in gaadiikooda loogu xiro.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com

Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada