Daawo Sawirada:- Sida loo qalabeeyay Ciidamo Xoog badan oo loo tababaray Maamulka uu Hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe

Daawo Sawirada:- Sida loo qalabeeyay Ciidamo Xoog badan oo loo tababaray Maamulka uu Hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe

daajis.com:-Waxaa Shalay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose tababar mudo socday loogu soo xiray Boqolaal askari oo loo tababaray Maamulka KMG ee Jubba uu Hogaamiyo Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)

Ciidamadan ayaa tababarka ku qaadanayay Garoonka Ma dhamaato , waxaana tababarka gacan weyn ka geesanayay Saraakiil kasocotay Midowga Afrika kuwaa oo iyagu waqti badan ku bixiyay tababarida ciidamadan katirsan Maamulka Jubba.

Hogaamiyaha Maamulka Jubba Sheekh Axmed Madoobe oo hadal kooban ka jeediyay Munaasabad lagu soo xirayay tababarkaasi ayaa Ciidamadan cusub ku booroiyay in ay ku shaqeeyaan qaab wadaniyad iyo daacanimo ku dheehan tahay ayna xifdiyaan hubkooda iyo dareeskooda.

Ciidamadan Cusub ee loo tababaray Maamulka KMG ee Jubba ayaa si weyn loo qalabeeyay waxaana farta laga saaray hub iyo gaadiid dagaal ay ku howlgali doonaan , waxaana ciidamadan ay qeyb ka noqon doonaan Ciidamo Maamulka Jubba ugu tala galeen la dagaalanka Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee kasoo horjeeda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada