AMISOM:- oo ciidamo u direeyso maleeshiyo beeleed ku dagaalamay gobolka Hiiraan

AMISOM:- oo ciidamo u direeyso maleeshiyo beeleed ku dagaalamay gobolka Hiiraan

daajis.com:-AMISOM ayaa lagu wadaa inay ciidamo u dirto deegaano ay ku dagaalameen laba maleeshiyo beeleed oo wada dega gobolka Hiiraan.

Dagaalka Labada maleeshiyo beedeel ayaa lagu warramayaa inuu ka dhashay isku heysashada dhul beereedyo, waxaana inta la ogyahay ku dhintay ilaa 5 qof oo ka tirsan maleeshiyo beeleedyada ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Waxaa ku dhaawacmay dagaaladaasi ilaa 7 qof, waxaana haatan soo baxeysa in ciidamada Jabuuti ee u sugan Hiiraan ay saldhig ciidan ka sameystaan deegaanka Deefow ee duleedka magaalada Baladweyne.

Halka uu ka dhacay dagaalka maleeshiyo beeleedyadan ayaa qiyaastii 39 KM u jirta magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana qabaailadaan ay dhul beereedkan isku heystaan muddo ka badan sanad.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada