R/Wasaaraha oo xoriyad buuxda loo siiyay Afar qodob oo laga hortaagnaan jiray mudooyinkaani (Maxaa kamid ah qodobada).

R/Wasaaraha oo xoriyad buuxda loo siiyay Afar qodob oo laga hortaagnaan jiray mudooyinkaani (Maxaa kamid ah qodobada).

daajis.com:-Illo wareed ku sugan Madxatooyada Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Xassan sheikh Maxamuud uu Ra’isulwasaaraha Dalka u madaxbanaaneeyay Afar qodob oo dhowr mar laga hor istaagay RW C/weli Sheekh.

Illo wareedka ayaa inoo xaqiijinaayo in Weerarkii ugu dambeeyay ee lagu qaaday Madaxtooyada uu sababay Jilicsanaan Siyaasadeed oo ku imaaday Madxaweynaha isagoona ka tanaazulay Qodobo badan oo uu Ra’isulwasaaraha ku doonaayay xalka Dalka waxaana kamid ah qodobada loo Ogolaaday Ra’isulwsaaraha:-

1- Madaxweynaha JFS waxa uu Ra’isul wasaaraha Xoriyad buuxda usiiyay inuu faragaliyo wax waliba uu u garto inay ka dhalan karaan Ammaan gari dhan waliba sameyn karta.

2- In Ra’isulwasaaraha uu xilka ka qaadi karo Mas’uul waliba oo uu u arko inuu gudan waayo Howlaha loo igmaday, halkii xiligii hore laga hor istaagi jiray.

3- In Ra’isulwasaaraha uu xor u yahay inuu isha ku haayo Howlaha ka socda Madaxtooyada islamarkaana aan la hor istaagi Karin Amar waliba oo Afkiisa kasoo baxa, halka weerarkii Madaxtooyada ka hor aan Awoodaasi lasiin jiran RW.

4- In Ruux waliba oo xil ka qabanaayo Dowladda isaga ay ka imaado Ogolaanshaha, halka xiliyadii hore lagu cadaadin jiray inuu saxiixo Su’aal la’aan warqadaha.

Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa isagu inta badan fulinaayay Howlaha loogu talo galay inuu qabto Ra’isulwasaaraha, waxa uuna sidoo kale is hortaagayay go’aan waliba oo aan isaga u cuntamin.

Dhanka kale, Weerarkii ugu dambeeyay ee lagu qaaday Madaxtooyada, ayaa waxa uu Ra’isulwasaaraha ku dooday in Ammaanka dalka uusan hagaageynin haddii uusan Madaxweynaha wax ka badelin ad adeegiisa, waxa uuna RW ku andacooday in Talaabo waliba oo uu qaadi lahaa laga hor istaago.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:13 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada