Xog Hoose:- Madaxweynaha iyo R/Wasaraha oo Taliska AMISOM u muujiyay Kalsooni daro iyo Kulan fashilmay oo dhexmaray..

Xog Hoose:- Madaxweynaha iyo R/Wasaraha oo Taliska AMISOM u muujiyay Kalsooni daro iyo Kulan fashilmay oo dhexmaray..

daajis.com:-Warka naga soo gaarayo Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Kullan xasaasi ah oo u dhexeeyay Madaxweynaha, Ra’isulwasaaraha, Taliska iyo Saraakiisha sar sare ee AMISOM uu kusoo idlaaday Fashil ka gadaal markii AMISOM ay dalbatay in wadooyinka gala Madaxtooyada la dhigo gaadiidkooda lana kordhiyo Jagbuuntiyada lagu baaro gaadiidka.

Kulanka ayaa waxa ay sidoo kale AMISOM ku dalbatay in la adkeeyo habka lagu soo gali karo Madaxtooyada lana sameeyo hab ka duwan kan hadda sahlay weerarka Villa Somalia, kadib markii ay dhacday in hal qof oo ka shaqeeya Aqalka uu awood u yeeshay inuu dabley soo geliyo xarunta.

Sidoo kale, kulanka ayaa waxa ay AMISOM Madaxda Dalka ugu soo bandhigtay in la sameeyo ciidamo sirdoon ah oo isha ku haya dhammaan shaqaalaha madaxtooyada, oo aan la isku haleyn karin dhammaantood, waxa ayna Tilmaamen kuwo u dhigma Wiilkii fududeeyay weerarka ay weli ku dhex jiraan Madaxtooyada.

Saraakiisha Amisom, ayaa soo jeediyey in dhammaan ciidamada Soomaalida ah laga saaro Villa Somalia, oo ayaga ay la wareegaan ammaanka madaxtooyada, hase yeeshee Xasan Sheekh iyo Cabdi Weli ay taasi diidan, iyagoona AMISOM u muujinaayay in Nafsad ahaan tooda aanan kalsooni lagu qabi Karin, maadama ay xiliyada Weerarada ama Dagaalka madaxa gishtaan Darbiyada, halka Ciidamada DFS ay dhiigooda u daadineyso badbaadinta Madaxda.

Inta uu kulanka socday ayaa waxaa la sheegayaa in Madaxweynaha Dowlada Federaalka Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo RW C/weli Sheekh ay ku adkeysanayeen inaysan suuragal aheyn in Ammaanka Madaxtooyada loo gacan galiyo AMISOM lagana saaro Ciidamada Dalka u dhashay, waxa ayna taasi u sababeeyeen in ay dhaawaceyso sharafta iyo qarannimada in ay isku haleeyaan ciidan ajnabi ah oo kaliya. 

Waxa ay sidoo kale muujinayeen Labada Mas’uul ee DFS in ciidamada Amisom ay nafta u huri karaan iyo in kale, maadaama weeraradii hore lagu bartay inay naftooda difaacaan un.

Siyaasi ku sugan Madaxtooyada Somalia ayaa inoo sheegay in Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay qabaan in ciidamada Soomaalida laga saacido kaliya qaabka farsamada, waxna laga badalo heerka ammaanka ee Villa Somalia, ayna ayaga ku filan yihiin.
Waxaa sidoo kale lasoo jeediyey in dalalka horumaray gaar ahaan Mareykanka la weydiisto inay soo diraan khuburo amni, oo eega dhammaan dal daloolada Villa Somalia ee xagga amni, iyo sida loo xaqiijin karo.

Dhanka kale, Is Fahan’waaga u dhexeeyo Madaxda Dalka iyo Taliska iyo saraakiisha Ciidamada AMISOM, ayaa waxa uu xoogiisa imaanayaa xilli muddo Shan bil gudahooda Weeraro is xig-xigay lagu kala qaaday Madaxtooyada iyo Xarunta Baarlamaanka, waxa uuna kulanka u dhexeeyay Madaxda iyo AMISOM uu kusoo idlaaday Fashil iyo ballamo ay kala qaateen Madaxda inay dib isugu soo laabtaan kulamo kale.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada