Daawo:- 10 su’aal oo ka dhashay video-ga ninkii sahlay weerarkii Villa Somalia

Daawo:- 10 su’aal oo ka dhashay video-ga ninkii sahlay weerarkii Villa Somalia

daajis.com:-Tobonkaan Su’aalladood oo ku saabsan Qaabka Dowladda Soomaaliya ay dooneyso inay Dadkeeda wax ugu sheegto, Aqristayaal la kaashada Aragtidiina Qotada-dheer.

Warbaahinta Dowladda waxey soo bandhigtay Video ay kasoo qaaday Ninkii la yiri in uu ka dambeeyay Weerarkii Villa Somalia Maalintii Tallaadada, inkastoo Video-ga Saacaddo kadib laga saaray hawada. Sabab?

1. Maxaa Sababay ayadoo ay wali baaristii bilow tahay in Mikroofan iyo Kamera inta la qaato, Video Maqal iyo Muuqaal ah laga duubo?

2. Maxaa Sababay in Afar iyo Labaatan Saac kahor fal dambiyeed dhacay oo wali baaristiisi socota la shaaciyo oo Dadweynaha iyo Fadhi-ku-diriryadda lagu dhextuuro?

3. Maxaa Sababay in Sir Dowladdeed sidaa Deg-degta ah looso kashifo? Mase jirtaa Caalamka meel saas looga dhaqmo?

4. Maxaa la doonayaa in aysan Dadku ogaan?

5. Maxaase la doonayaa in Dadka lagu sii jeediyo?

6. Run ma tahay Ninka lagu sheegay Xasan Muxyadiin Xasan “Bustoolad” in uu Shabaab la shaqeynayay?

7. Run ma tahay falalka Argagaxa ah oo uu sheeganayo in uu fuliyay lagu siiyay 200 $, waa Labo Boqol oo Dollare.

8. Run ma tahay in aysan Qaraxii Villa Somalia wax lagu ah ku laheyn Rag Siyaasiyiin ah?

9. Wiilka (“Bustoolad”) waxaa la sheegay in dhaawac lagu qabtay, Ninka lasoo bandhigay dhaawac maka muuqdaa?

10. Run ma tahay in aysan Madaxweynaha, Raisul Wasaaraha iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed Goobahoodi Shaqada ku sugneyn Xilliga Weerarka?


Waa Tobon Su’aallod oo loo baahanyahay in wax la iska weydiiyo.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada