Amniga Rio ee Brazil oo la adkeeyay Sebabo Laxariira...

Amniga Rio ee Brazil oo la adkeeyay Sebabo Laxariira...

daajis.com:-Tirada dadka ku daawanaya ciyaartan kama danbeysta ah gudaha garoonka magaca dheer leh ee Maracana, ayaa waxa ay u dhigmaan sedexmeelood meel taageerayaasha ciyaarta kubada cagta.

In kabadan 25-kun oo ka tirsan laamaha amaanka ayaa lagu soo daabulayaa magaalada Rio xilliga ciyaarta kama danbeysta ay dhaceyso waxaana ka mid ah laamahaasi amaanka kooxaha dabdamiska, Booliska sida Milatariga utababaran iyo ciidamo kale oo hubeysan.
Ciidamada looma xoojin oo keliya in ay difaacaan taageerayaasha aadka u tirada badan ee isugu imaanaya magaalada Rio, laakiin sidoo kale waxaa jira walaac kale oo ku hareereysan taas oo ah joogitaanka magaaladaasi sagaal hogaamiyayaal dal oo ay ka mid yihiin haweeneeyda hogaamisa Jermalka Angela Merkel iyo madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin oo ay wada qadeynayaan madaxweynaha dalka Brazil Dilma Rousseff markaas kaddibna ay aadi doonaan halka ay ciyaarta ka dhaceyso.
25-maraakiib ayaa indha indheeynaya xeebta magaalada Rio. Waxa ay sidoo kale ciidamada u badnaan doonaan halka ay isugu imaanayaan kumaan kun oo ah taageerayaasha Argentina.
Maamulka magaaladaasi ayaa filaya in dalka Argentina ay ka yimaadaan 70kun oo taageerayaal ah oo u soo daawasha tagaya ciyaarta kama danbeysta ee dhaceysa maalinta beri ah.
Amniga magaalada Rio ee dalka Brazil

:-BBC FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 08:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada