Kenya oo muwaadiniinteeda ugu digtay inay isticmaalin garoonka diyaaradaha Heathrow

Kenya oo muwaadiniinteeda ugu digtay inay isticmaalin garoonka diyaaradaha Heathrow

daajis.com:-Dowladda dalka Kenya ayaa soo saartay digniin ay u direyso Muwaadiniinteeda, iyadoo ku wargelisay in ay ka digtoonaadaan inay taransit kusii maraan garoonka caalamiga ah ee Heathrow oo ku yaalla magaalada London ee dalka ingiriiska.

Kenya ayaa sheegtay inay suurogal tahay in ay ka dhacaan falal argagaxiso oo ururka Al-Qaacida ka geysato garoonkaasi.

Xogyahaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya, Karanja Kibicho ayaa sheegay in ay heleen warbixino sheegaya inay suurogal tahay in weerarro argagaxiso lala beegsdo groonka diyaaradaha Heathrow.

“Warbixino ay bixiyeen saraakiil Mareykanka ah ayaa sheegay inay dagaalyahannada Al-Qaacida Yemen iyo Suuriya isku dayayaan inay sameeyaan bambooyin awood u leh in lagu soo rido diyaaradaha, waxayna muujinayaan in dalka Britain uu noqon karo dalka ay saameynta ugu weyn ku yeelan karaan weerarradaas,” ayuu yiri Xoghayaha Wasaaradda arrimaha dibada Kenya Kibicho.


“Inagoo saldhig ka dhiganayna warbixinta waxaan ku wargelinaynaa muwaaindiinta Kenya inaysan u safrin magaalada London, halkaasoo ay macquul tahay in weerarradan argagaxisada lala beegsado.”

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibada Kenya wuxuu kula taliyay muwaadiniinta Kenya in ay isticmaalaan marino marka ay u socdaalayaan Mareykanka, sida dalalka Itoobiya, Imaaraadka, Netherlads, iyo kuwo kale, halka ay Taransit ku ahaan lahaayeen London.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:56 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada