Madaxwaynaha Puntland oo ku Baaqay in si wadajir ah loo adkeeyo Amaanka guud ee Puntland

Madaxwaynaha Puntland oo ku Baaqay in si wadajir ah loo adkeeyo Amaanka guud ee Puntland

daajis.com:-Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa guud ahaan Shacaka Puntland ku baraarujiyay inay ilaaliyaan Amniga Puntland si looga feejignaado weeraro ay fuliyaan wax uu ugu yeeray Nabad diidka.

Fariin Qoraal ah oo uu Madaxwaynuhu soo dhigay Barta uu ku leeyahay Facebooka ayuu sidaan ku yiri’’Waxaan Bulshadda reer Puntland dhamaan ku baraarujinayaa inay ilaaliyaan Amniga Puntland oo ay gacan ka gaystaan dhamaan cid walba oo wax u dhimaysa Nabad-geliyadda iyo Xasiloonida ka jirta Guud ahaan deegaanadda Puntland .

‘’iyadoo kooxaha Argagaxisadda ee ku sugan Somalia ay goobo badan ay ka gaysanayaa weeraro Fulaynimo ah iyo Gaadmo ah, waxaan ku war-galinayaa dhamaan Bulshadda Puntland inay la shaqeeyaan ciidamadda Puntland oo ay soo sheegaan dhamaan cid walba oo wax u dhimaysa Nabadda Gayigeena.

Fariintaan uu diray Madaxwayne Gaas ayaa ku soo beegmaysa xili maalmo kahor Al-shabaab ay weeraro ka gaysteen Aqalka Madaxtooyada ee Muqdisho.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada