Aqriso:- Halka Uu Kasoo Jeedo Agaasimaha cusub ee Nabad Sugidda iyo sirdoonka "iyo xog kale"

Aqriso:- Halka Uu Kasoo Jeedo Agaasimaha cusub ee Nabad Sugidda iyo sirdoonka "iyo xog kale"

daajis.com:-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Weli Sheekh Axmed, ayaa si rasmi ah u magcaabay agaasimaha cusub ee hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Cabdi Weli, ayaa xilkaas u magacaabay C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo horey u ahaa safiirkii Soomaaliya u fadhiyey dalka Ingariiska.

Cabdullahi Sanbalooshe, waxa uu kasoo jeeda gobolka Hiiraan, waxaana uu ka dhashay beesha Xawaadle, ayada oo dadka qaar ay sheegeen inay dhanka hooyada ay qaraabo ka yihiin madaxweyne Xasan Sheekh, uuna ugu aadan yahay abti.


Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa oggollaaday magcaabista agaasimaha cusub ee hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Dowladda ayaa sheegtay in tallaabadan ay qeyb ka tahay isbaddellada dhinaca ammaanka ee ay sameyneyso Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kadib markii Al-Shabaab ay xarumahoodii ugu timid.


Maanta ayaa wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya loo magcaabay General Khaliif Axmed Ereg, iyadoo taliyaha ciidammada Booliska Soomaaliyeedna loo magcaabay Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil, taasoo looga jawaabayey weerarkii Al-Shabaab ay ku qaaday xarunta madaxtootada Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada