Daawo Sawirada:- weerarkii xalay lagu qaaday xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya

Daawo Sawirada:- weerarkii xalay lagu qaaday xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya

daajis.com:-Al-Shabaab ayaa markii labaad weerartay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, iyadoo weerarkii xalay ku soo beegay xilligii afurka loo fadhiyay, waxaana wali socda baaritaano ay hey’adaha amniga wadaan.

Weerarka ayaa ku bilowday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo u qarxay meel aan sidaa uga fogeyn albaabka gudaha ee laga galo xarunta Madaxtooyada, kadib markii gaariga uu soo dhaafay dhowr bar koontarool oo laga waar-diyeeyo Xarunta Madaxtooyada.

Wasiirka Warfaafinta Mustaf Dhuxlow ayaa sheegay in weerarka ay geysteen saddex ruux iyo nin darawal ahaa oo ciidamada gacanta ku qabteen, waxaana la sheegayaa in gaariga weerarka laga fuliyay ay laheyd shirkad isgaarsiineed oo xafiis ku laheyd Madaxtooyada.

21-kii bishii Febraayo ayay aheyd markii weerar is qarxin iyo mid toos ah ay dagaalyahano ka tirsan Shabaab ku qaadeen Madaxtooyada, iyagoo xilligaas ka galay albaabka dambe Madaxtooyada ee dhinaca Boondheere.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada