Aqriso:- Magacyada Qaar kamid ah Ragii Hogaaminayay Weeraradii lagu qaaday gudaha Kenya oo lasoo bandhigay

Aqriso:- Magacyada Qaar kamid ah Ragii Hogaaminayay Weeraradii lagu qaaday gudaha Kenya oo lasoo bandhigay

daajis.com:-Qaar kamid ah Wargeysyada Dalka Kenya kasoo baxa ayaa soo bandhigay magacyada rag u dhashay Dalkaasi oo la sheegay in ay hogaaminayeen weeraro Al-Shabaab ku qaadeen deegaano katirsan Jaziirada Lamu ee Dalka Kenya.

Wargeyska The Standard ee kasoo baxa Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa qoray Magacyada Xubno Dowlada Kenya ay ku tuhmeyso in ay qeyb ka ahaayeen Weeraro is xig xigay ay Al-Shabaab ku qaadeen Gobolka Xeebta ee Dalka Kenya.

The Standard oo soo xiganaya hay’ad sirdoonka Kenya u qaabilsan oo lagu Magacaabo NIS ayaa sheegtay in Nin u dhashay Qabiilka Kikuuyada oo lagu Magcaabao Idiris Kimau uu yahay ninka Hogaaminayay Weeraro Al-Shabaab kusoo qaadeen gudaha Dalka Kenya.

Waxaa sidoo la sheegay in Sargaal horey uga tirsanaa Ciidamada Kenya oo Magaciisa lagu soo koobay Abuu Jamala iyo uu qeyb ka yahay raga u dhashay Dalka Kenya ee Hogaaminayay Weerarada Al-Shabaab ka geestaan Gudaha Kenya.


Xogtaan laga helay sirdoonka Kenya waxay sheegaysaa in ninka la yiraahdo Idiris Kimau iyo koox dagaalamayaal ah oo uu wato ay hadda ku dhuumaalaysanayaan dhul keyn ah oo la yiraahdo Boni halkaassoo dawlada Kenya ay aaminsan tahay in ayba ka sameysteen xeryo tababaro lagu qaato.

Sidoo kale hay’adaha amaanka Kenya waxaa ay sheegeen sargaalka ka tirsanaa ciidamada Kenya ee ka goostay ee magaciisa la yiraahdo Abu Jamaal iyo koox kale oo uu wato ay hadda wadaan qorshayaal weeraro kale oo ay ku qaadaan magaalooyin hoos taga magaalada labaad ee Kenya ugu weyn ee Mombasa halka kooxda uu wato Idiris Kimau ay iyana isku diyaarinayaan inay weeraraan magaalooyin ay ka mid yihiin Ijara, Garsen iyo Malindi oo iyana ka tirsan Lamu.

Hay’adda NIS e dhanka sirdoonka dawlada Kenya u qaabilsan waxay sheegeen in weerarada soo socda ee ay kooxdaan Al-Shabab ka tirsan ay u qorsheeyeen inay ka qeyb qaataan illaa iyo 150 dagaalame oo Sadex qeybood loo qeybiyay sida uu qorayo wargeyska aanu warkaan kasoo xiganay ee The Standard.

Xogtaan oo gacanta loo galiyay booliska Kenya ayaa dadka dega degaanadaas waxaa dhanka kale loogu baaqay inay feejignaan muujiyaan dawladuna u diyaar garowdo

Al-Shabaab ayaa sheegatay Masuuliyada Weeraro kala duwan oo lagu qaaday Gudaha Kenya , waxaana Weeraradaasi lagu dilay ku dhawaad 100-qof oo Kenyan ah halka lagu gubay hanti badan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada