Dilal kala duwan oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo amaanka Magaalada oo wali sii xumaanaya

Dilal kala duwan oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo amaanka Magaalada oo wali sii xumaanaya

daajis.com:-Kooxo Bistoolado ku hubeesan ayaa maanta Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta Cabdalle Shideeyaha waxa ay ku dileen Askari la sheegay in uu katirsanaa Ciidamada Nabad Sugida Dowlada Soomaaliya.

Goob joogayaal kusugan Suuqa Bakaaraha ayaa sheegay in Askari katirsan Ciidanka Nabad Sugida lagu dilay Suuqa Cabdalle Shideeyaha , waxa ayna intaa ku dareen in dilka kadib kooxihii dilka geestay ay goobta ay isaga tageen.

Ciidamo katirsan Nabad Sugida oo daqiiqado kadib gaaray halka uu dilku ka dhacay ayaa howlgal ay dad badan ku qabteen waxa ay kasameeyeen Suuqa Bakaaraha , Ciidamada ayaana xir xiray dad u badan dhalinyaro

Dilka loo geestay askariga katirsan Ciidanka Nabad Sugida ayaa saameyn badan ku yeeshay howlihii ganacsi ee Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta Cabdalle Shideeyaha .

Dhinaca kale Kooxo Hubeesan ayaa maanta Xaafada Nasteexo ee Degmada Wadajir waxa ay dil ugu geesteen Nin dhalinyaro ah oo la sheegay in uu kamid ahaa dhalinyarada Xaafadaasi dagan, waxaana lgu magacabai jiray Maxamed Deeq Cabdi Aadan.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ka dhacayay Dilal qorsheesan oo loo geesanayay Masuuliyiin iyo Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya iyo dad shacab ah , waxaana inta lgu guda jiro bisha Ramadaan lagu dilay Muqdisho dad kor u dhaafaya 60-qof.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada