Ciidamada Nabad sugidda oo xalay xabsiga dhigay Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Kaxda

Ciidamada Nabad sugidda oo xalay xabsiga dhigay Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Kaxda

daajis.com:-Ciidamada Nabad sugidda ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay xiray mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Degmada Kaxda.

Ciidamada ayaa xiray Taliyihii ciidamada Nabad sugidda ee degmada Kaxda Muuse Gaab, gudoomiye ku xigeenkii dhanka amaanka ee degmadaasi Cabdinaasir Xasan Cali iyo gudoomiye xigeenkii dhanka siyaasadda oo isna magaciisa lagu koobay Cabdiraxmaan.

Xariga loo geystay saddexdaan Mas’uul ayaa lagu warramayaa inay ka dambeysay kadib marki shalay ay Degmada Kaxda isku rasaaseeyeen ciidamo kala taabacsan mas’uuliyiintaasi.

Ilaa iyo iminka na ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir oo ku aadan xariga mas’uuliyiintaan loo geystay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada