Daawo Sawirada:- Ciidamada AMISOM ee Muslimiinta oo inta badan cibaadeysta bishan Ramadaan

Daawo Sawirada:- Ciidamada AMISOM ee Muslimiinta oo inta badan cibaadeysta bishan Ramadaan

daajis.com:-Ciidamada Muslimiinta ee AMISOM, kuwooda ku sugan magaalada Kismaayo ayaa waxay muujiyeen sida bishan barakeysan ee Ramadaanka muqadas u tahay xusida iyo alle u dhawaanshaha.

Ilaa 400 Askari oo ka socda nabad ilaaliyeyaasha AMISOM, gaar ahaan dalalka  Kenya, Sierra Leone iyo inyar oo Burundi ka socda ayaa keli ku ah inay Soomaan, iyadoo sidoo kale xiliyada qaar ay waqtigooda siiyaan akhrinta Qur'aanka Kariimka.

Hassan Shilali waa Sarkaal ka tirsan ciidamada AMISOM, wuxuu Imam ka yahay Masjidka garoonka weyn ee magaalada Kismaayo ku dhex yaal, isagoo sharaxay muhiimadda ay bishan Ramadaan u leedahay Muslimiinta, isagoo sheegay in askarta Muslimka looga baahan yahay inay dhawraan bisha quduus ah, iyagoo gudanayo shaqadooda milateri.

"Waxaan aad ugu faraxsanahay in ay u dhawrtaan Ramadanka Kismaayo, waxaan ku sugan 400 ku dhowaad askara AMISOM oo Muslim soomaya Waxaana qofba mar uu diyaariyaa cuntada afurka iyo saxuurta oo noocyo kala duwan leh"ayuu yiri Hassan Shilali.

Wuxuu ka codsaday Soomaalida in ay alle ku xernaadaan, iskana daayaan anshax xumada, isnaceybka iyo qabiilka si ay ugu gudbaan dhibaatada haysata.

AMISOM waxaa qeyb ka ah ciidamadeeda Muslimiin badan oo ka socda dalalka Ugandha, Burundi, Kenya, Sierra  Leone, Itoobiya iyo Jabuuti oo ah dal Muslim ah. 





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada