Daawo Sawirada:- Banaan bax ballaaran uu soo qaban qaabiyay Mucaaradka Kenya oo ka socda Fagaaraha Uhuru Park

Daawo Sawirada:- Banaan bax ballaaran uu soo qaban qaabiyay Mucaaradka Kenya oo ka socda Fagaaraha Uhuru Park

daajis.com:-Banaan bax ballaaran oo ka dhan ah dowladda Kenya ayaa ka bilowday magaalada Nairobi, iyadoo kumanaan ruux ay isugu soo uruureen fagaaraha Uhuru Park, halkaasoo lagu wado in Hogaamiyaha Mucaaradka Kenya Raily Odinga uu kala hadlo.

Ciidamo fara badan ayaa la soo dhoobay wadooyinka, iyadoo isku dhacyo kooban ay mar sii horeysay dhex martay ciidamada booliska iyo dadka dibad baxayay oo ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah dowladda uu hogaamiyo Uhuru Kenyatta.

Banaan baxan oo ay horay u iclaamiyeen Mucaaradka ayaa waxay ku dalbanayaan in dowladda ay kala dirto Gudiga doorashooyinka madax banaan, iyagoo ku eedeeyay dowladda in xaalada ammaan ay faraha ka baxeen, shaqo la’aan iyo dhibaatooyinka oo sii kordhay.

Qaar ka mid ah dadweynihii isugu soo uruuray fagaaraha Uhuru Park ayaa ku dhaliilay dowladda in aysan waxba ka qaban arrimaha ammaanka iyo shaqo la’aanta baahsan ee jirta iyo hoos u dhac dhaqaale oo ku yimid.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa horay ugu gacan seyray dalab ka yimid Mucaaradka oo ku aadanaa in la qabto shirweyne, in la kala diro gudiga doorashooyinka iyo arrimo kale.

Ciidamada ammaanka ayaa baarayay dadka galayay fagaaraha Uhuru Park, waxaana ay isugu gedaameen dhamaan fagaaraha wadooyinka laga galo, waxaana dadka ka qeyb galayay dibad baxan loo daaray heeso, iyadoo la sugayo Hogaamiyaasha mucaaradka inay goobta soo gaaraan.

Raily Odinga Ra’iisul Wasaarihii hore Kenya ahna Madaxa mucaarada Xisbiga CORD ayaa tan iyo markii uu bilo ka hor dib ugu soo laabtay magaalada Nairobi waday olole ka dhan ah dowladda, iyadoo xiisado siyaasadeed uu dalka galay.

Banaan baxan ayaa ku soo beegmay, iyadoo habeen hore weerar lagu qaaday labo magaalo oo ka tirsan Gobolka xeebta ee Kenya, halkaasoo lagu dilay ilaa sodon ruux, weerarkan ayaa waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab oo ku goodisay in weeraro ka fulineyso gudaha Kenya.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada