Daawo Sawirada:- Dowlada Talyaaniga oo C/Wali Gaas ku wareegisay Mashruuc ay ku dhistay Tv-ga Puntland.

Daawo Sawirada:- Dowlada Talyaaniga oo C/Wali Gaas ku wareegisay Mashruuc ay ku dhistay Tv-ga Puntland.

daajis.com:-Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka qayb galay munaasibad Dowladda Talyaanigu ku wareejinaysay mashruuc ay ku dhistay Telefishinka Maamulka Puntland, kaasi oo lagu wareejiyay Maamulka Puntland.

Xafladda ayaa waxaa ka soo qayb galay Safiirka dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Danjire Marcelli, Madax ka socotay Hay’adda UNOPS, Wasiiro ka tirsan Maamul goboleedka Puntland, Maamulka Talafishinka, Saraakil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo Marti sharaf kale.

Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo gaba gabadii xafladaasi khudbad dheer ka jeediyay ayaa waxa uu si aad ah ugu mahadceliyay Dowladda Talyaaniga oo iyadu kaalin weyn ka qaatay Dhismaha Talafishinka Maamulka Puntland .

“Mashaariicda Dowladda Talyaanigu ay ugu deeqday Maamulka Puntland markaan eegno oo uu ugu weynyahay Mashruuca lagu dhisayo Garoonka Diyaaradaha Boosaaso,waxa ay ka turjumaysaa sida ay uga go’antahay in dowladda Talyaanigu ay Taageerto Puntland, Telefishinkan waxa uu u adeegi doonaa bulshada Soomaaliyeed’’ ayuu yiri Cabdiwali Gaas.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland ayaa sidookale sheegay in Tv-ga Puntland uu yahay mid shacabka Puntland u adeegsaan karaan Fariinta ay rabaan in dowladooda gaarsiiyaan iyagoo umaraya sifo sharciga waafaqsan.

Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Danjire Marcelli ayaa Madasha ay xafladu ka socotay isna kaga dhawaaqay in Dowladda Talyaanigu ay ku guulaysatay Hirgelinta iyo Dhamaystirka Talafishin uu si gaar ah u yeesho maamulka Puntland.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada