Daawo Video: Tuugada South Africa oo la yimid Taatiko cusub oo ay ku dhacayaan hantida Soomaalida iyo Dumar Soomaaliyeed oo cabanaya,

Daawo Video: Tuugada South Africa oo la yimid Taatiko cusub oo ay ku dhacayaan hantida Soomaalida iyo Dumar Soomaaliyeed oo cabanaya,

daajis.com:-Horey in badan waxaan tabiney dhac iyo boob loo geysto ganacsiyada soomaalida Koonfur Afrika, laakiin markani waxa ay u egtahay in dhacdadani ay ka duwantahay kuwii hore, Tuugada daydayga ah ee caadaystey dhaca tukaamada Soomaalida ayaa la yimid tab cusub oo halisteedu badantahay oo ay u dhacaan ganacsiyada Soomaalida.

Taleefishinka Universal ayaa booqdey dukaan loo dhacay qaabkani cusub, sida ay noo sheegeen mulkiilayaasha iyo dad goobjoogayaal ah, tuugada oo muddooyinkii dambe ku hungoobey isku dayo badan oo ay ku dhici lahaayeen dukaamada Soomaalida kadib markii ay Soomaalida ka tabaabusheysatay ayaa hadda la yimid tabtani cusub oo ah in marka hore dab la qabadsiiyo afaafka hore ee dukaanka, kadibna banaanka ku suga iyagoo dabka sii babinaya, inta dadka dukaanka ku jira ay banaanka ugu soo baxayaan , kadibna bistoolado inta ku qabtaan deetana geysta dhac xaalufin ah. Sida uu sharxayo Milkiilaha Dukaanka C/raxaam Xaashi Gurxan oo ku magac dheer ilka Case.
Tani Waa istar Maxamed waxay ilinka hore ka taagan tahay hantida ay leeyihiin Reerka waana dukaanka la gubay lana boobay inta badan hantidii dukaanka taalay waxayna ka walaacsan tahay qaabkani cusub ee qatarta badan dhanka kale waxay ii sheegtay in ay ku faraxsan tahay in Raggii Soomaaliyeed ee dukaanka ka shaqeynayey ay badqabaan, waana tan iyadoo la hadlaysa Tv-ga caalamiga ah ee Universal
Dhanka kale Gudoomiyaha Jaaliyada Somali Association of South Africa SASA qeybteeda Westeren Cape C/qaadir Khaliif Maxamed ayaa dhacani cusub ugu digiya ganacsatada Soomaalida ee ka ganacsatada Tuulooyinka isagoo ugu baaqay in ay ka feejignaadaan hadaladiisana waxaa ka mid ahaa.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada