Daawo Sawirrada:- Somaliland oo Tijaabisay qalab ay ku maamuleyso diyaaradaha isticmaalaya hawadeeda

Daawo Sawirrada:- Somaliland oo Tijaabisay qalab ay ku maamuleyso diyaaradaha isticmaalaya hawadeeda

daajis.com:-Maamulka Somaliland ayaa tijaabiyay qalab ay ku maamuli doonto hawada sare, iyadoo dhawaan ay si rasmi ah Dowladda dhexe ee Soomaaliya ugala soo wareegi doonto Qaramada Midoobay oo gacanta ku haysay tan iyo burburkii dalka.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Duulista Hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland ayaa sheegtay inay ku guuleysatay tijaabada qalabkii ay ku maamuli laheyd hawada sare isla markaana lagula xiriiri lahaa Diyaaraha adeegsanaya hawada Xagga sare iyo Xaga hoose ee Somaliland.

Waxay Wasaaradu sheegtay in dhamaan la diyaariyay agabkii howshan lagu qaban lahaa, iyadoo sidoo kale looga digay Qaramada Midoobay in wixii quseeya maamulka hawada deegaanada Somaliland lagala tashado Wasaarada ay khuseyso ee Somaliland.

"Wasaaradda Duulista Hawada iyo gaadiidka cirka waxay halkan ka caddanaysaa in Dawladda Somaliland ka go’an tahay inay maamulato hawadeeda awood buuxdana ay arintaasi u leedahay. Somaliland marnaba aqbalaynin in hawadeeda laga maamulo wadan shisheeye"ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Somaliland.




Ugu dambayntii waxaa Warsaxaafadeedka lagu sheegay in Somaliland ay ka digeyso halisaha ku iman kara daganaanshaha iyo badqabka Mushaaxida hawada sare hadii Qaramada Midoobay ay qaado talaabo aanay isla ogalayn  ama ku wada qanacsaneyn dhinacyada arinta maamulka hawadu ay wada khusayso (Stake holders).

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:31 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada