R/Wasaaraha Soomaaliya oo shaaciyay in Dowladu ay badaleyso Qorshaha la Dagaalanka Xarakada Al-Shabaab !!

R/Wasaaraha Soomaaliya oo shaaciyay in Dowladu ay badaleyso Qorshaha la Dagaalanka Xarakada Al-Shabaab !!

daajis.com:-Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in la badalayo qorshaha Dagaal ee Dowlada kuwajaheyso Dagaalyahanada Al-Shabaab oo mudooyinkii dambe kordhiyay dilalka iyo qaraxyada ay ka geesanayaan Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed jeediyey ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in Xukuumaddu ay baddesho wijiga la dagaallanka Al-Shabaab, isla markaana la dardargeliyo hannaanka xasilooni ee caasimadda, iyadoo taageero buuxda laga helayo shacabka Soomaaliyeed.

“Dhammaan hey’adaha ammaanka Qaranka laga bilaabo, maanta oo ay tahay 6th Bisha July waxaan farayaa in ay gacan Bir ah ku qabtaan kooxaha argagixisada ah oo aan loo naxariisan, si shacabkeenna Soomaaliyeed ay nabad-galyo iyo xasilooni ugu dhammeystaan bishan Ramadaan, sidoo kale waa in la qaadaa ka hortag ku aaddan ficillada ay soo maleygayaan nabad diidka, Kalsooni buuxdana lagu abuuraa shacabka Soomaaliyeed”.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Ciidamada Qalabka sida ee Dowlada ka dalbaday in ay la yimaadaan feejignaan dheeraad ah si looga hortago weeraro iyo qaraxyo Al-Shabaab mar kale ka geestaan Magaalada Muqdisho.

Hadalka kasoo yeeray Xukuumada Soomaaliya ayaa imaanaya xili uu fashil muuqda ku yimid qorshe Dowlada ugu magac dartay Nabad ku Afur , waxaana tan iyo markii la guda galay bisha barakeesan ee Ramadaan Magaalada Muqdisho ka dhacay dilal qorsheesan iyo qaraxyo intooda badan Masuuliyadeeda ay sheegteen Al-Shabaab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada