Daawo Sawirro:- Layaab leh Ciyaartii Jarmalka iyo Brazil.

Daawo Sawirro:- Layaab leh Ciyaartii Jarmalka iyo Brazil.

daajis.com:-Xulka Jarmalka ayaa god ku riday riyadii Brazil ee koobka adduunka, kadib markii gurigooda lagu xasuuqay, iyadoo mudo ku dhow 30 sno kadib gurigooda ku garaacay xulka Jarmalka.

Xulka Jarmalka ayaa ku xasuuqay 7 gool iyo 1 xulka Brazil oo martigelinaya koobka adduunka.  Waxaana hoggaanka ciyaarta qeybtii hore maamulayay xulka Jarmalka, kadib marki uu gool dhaliyay weeraryahankooda Thomas Mueller, daqiiqadii 11-aad.

brazil-bye
Isla qeybtii hore ee ciyaarta ayaa waxay u muuqatay inay ku yara sareysay cayaartoyda xulka Jarmalka oo garoonka lasoo galay inay guul ka gaareen xulka Brazil. daqiiqadii 12-aad, ayaa weeraryahanka Miroslav Klose uu dhaliyay goolkii labaad, taasoo ilmo ka keentay jamaahiirta Brazil.



Klose ayaa goolkiisa noqday goolkiisii 16aad ee taariikhda Koobka Adduunka isagoo jabiyay rikoorkii uu hore u hayay halyeeygii hore ee Brazil Ronaldo.

Toni Kroos ayaa Sedax daqiiqo gudahood ku dhaliyay labo gool, taasoo ka dhigtay ciyaarta 5 gool iyo waxba oo lagu kala nastay, waxaana markii la isku soo laabtay badal kusoo galay Andre Schuerrle oo labo gool is xigta ka dhaliyay ciyaartana ka dhigay 7-0.


Brazil oo dadaal badan sameysay maadaama ay ka maqnaayeen daafacooda Thiago Silva iyo xiddigooda weerarka ugu dheela Neymar ayaa daqiiqadii 90-aad hal gool u dhaliyay Oscar.


Taageerayaasha Brazil ayaa afka gacanta saartay, mid walba indhahiisa ayaa ilmo ka soo burqaneysay.

Guuldarada Brazil ayaa noqoneyso mid gasha taariikhd kubada cagta, waxayna kaalinta sedaxaad sugayaan inay kula tartamaan midkii soo baxa Holland ama Arjantiin.devid.ooyin

Isha :-warfaafiye FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:28 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada