War Deg-Deg:- Gaari Waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay iyo xubno looga shakisan yahay in ay katirsan yihiin Al-Shabaab oo maanta lagu qabtay

War Deg-Deg:- Gaari Waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay iyo xubno looga shakisan yahay in ay katirsan yihiin Al-Shabaab oo maanta lagu qabtay

daajis.com:-Wararka ka imaanaya Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta Ciidamada amaanka Maamulka Ahlu Sunna Waljameeca gacanta ku dhigeen gaari la sheegay in laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Ciidamada Ahlu Sunna Waljameeca ayaa hada wada baaritaan ku aadan gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo looga shakisan yahay in la doonayay in lagu qarxiyo goob bartilmaameed u aheed kooxdii gaarigaasi wadatay.

Shan nin oo la tuhmayo in ay ku lug leeyihiin gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa gacanta lagu dhigay kuwaa oo iyana la sheegay in ay ku socdaan baraitaano la xariira gaarigan la qabtay iyo waxa ay ka ogyihiin .

Saraakiisha Ahlu Sunna Waljameeca ayaan wali wax faah faahin ah ka bixin gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay iyo raga la tuhmayo oo maanta gacanta u galay , waxa ayna Saraakiisha Ahlu Sunna sheegeen in baaris kadib ay soo bandhigi doonaan natiijada baaristooda.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:53 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada