Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay duqeynta Yuhuudu ku hayso shacabka reer Qasa, Falastiin

Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay duqeynta Yuhuudu ku hayso shacabka reer Qasa, Falastiin

daajis.com:-Wasaaradda Arrimaha Dibaddu waxa ay si adag u cambaareyneysaa duulaanka lagu qaaday dadka ku nool Gaza ee go’doonsan, iyo beegsashada rayidka aan waxba galabsan , taasoo ah wax ka hor’imaanaya qiimaha bani’aadanimada,dhaqamada iyo qawaaniinta caalamiga.

Waxaan ka codsaneynaa Israel inay si dhaqsiya leh ku joojiso dagaalkeeda iyo duqeynteeda daran ee ay ku qaaday shacabka Falastiin, waxaanu ku dhawaaqeynaa inaan la bah nahay Maamulka iyo Shacabka Falastiin, iyo inaan taageersannahay hindisaha ay soo jeedisay Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar 14 July si xabadda loo joojiyo.

Waxaanu ugu baaqeynaa dhammaan dadka xorta ah ee caalamka inay sii ambaqaadaan dhaq-dhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee lagu joojinayo cadaawadda , laguna badbaadinayo nafta dadka aan waxba galabsan ee ka  midka yihiin caruurta,haweenka iyo dadka da’da ah ee ku nool Marinka Gaza, iyo in la diyaariyo jawi u qalma oo lagu joogteynayo degganaanshaha iyo wadaxaajoodka nabadda iyo nabad ku wada noolaanshaha.


H.E. Dr. Abdirahman Dualeh Beileh
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada