Madaxweynaha Jabuuti oo xaflada bixinta gabadhiisa ku marti qaaday madaxda Soomaalida

Madaxweynaha Jabuuti oo xaflada bixinta gabadhiisa ku marti qaaday madaxda Soomaalida

daajis.com:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maalinta beri gabar uu dhalay bixinaya, waxaana xafladda meherka gabadhiisa lagu marti qaaday Siyaasiyiin iyo shaqsiyaad caan ah oo ka socda Dowladda Federaalka Somalia, Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Maamulada Somaliland iyo Puntland.

Gabadha Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa isfaham dhex maray Wasiirkiisa Waxbarashada, kaasoo si rasmi ah beri oo Khamiis ah u gudoomi doona gabadha Madaxweynaha Jabuuti.

Casuumaada xafladda ayaa lagu wadaa in ay ka qeybgalaan Madax ka socota Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Maamulada Somaliland iyo Puntland.

Diyaarad qaas ah ayuu Madaxweynaha Jabuuti u diray deegaanada ay mas'uuliyiintaasi ka imaan doonaan si ay ugu soo qeyb galaan, inkastoo aan la ogeyn in ay aqbaleen iyo in kale.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada