Kala Carar Ka Dhacdey Gobolka Logos kadib markii uu dhintey Dhintay Hoggaamiyaha "Mar. Oba Rauf Adeniyi Aremu Matemi" Sebebtu maxey tahay???

Kala Carar Ka Dhacdey Gobolka Logos kadib markii uu dhintey Dhintay Hoggaamiyaha "Mar. Oba Rauf Adeniyi Aremu Matemi" Sebebtu maxey tahay???

daajis.com:-Cabsi aad u badan ayaa ku faaftay Gobolka Logos ee caasimadda Ikeja, kadib markii uu geeriyooday hoggaamiyaha qabaa’ilka Olu of Ikeja ee qoomiyada Hausaha, kaasoo dhaqan ahaan loo baahan yahay in maydkiisa lala aaso 7 madax oo bani’aadam ah.

Qoomiyadan ayaa aaminsan haddii toddobadan qof madaxyadooda lala aaso hoggaamiyahooda oo ay u yaqanaan Oba in ay aakhiro ugu adeegayaan, uguna shaqaynayaan.

Hoggaamiyaha Olu of Ikeja, Mar. Oba Rauf Adeniyi Aremu Matemi, ayaa Arbacadii toddobaadkan ku geeriyooday gurigiisa, kadib markii muddo kooban uu xannuun hayey, waxaana waqtigan la qorshaynaya aas dhaqameedkiisa oo cabsi badan abuuray.

Dhammaan ganacsiyada iyo dukaamada magaalada Ikeja waa la xidhaa si loo muujiyo in ixtiraam loo hayey saldalada ninkan hoggaaminaayey.

Qasriga Oba waxa goob-joog ka ahaa haweenka iyo xubnaha qoomiyada Haousa si ay u muujiyaan qiimaha uu ku lahaa dhexdooda hoggaamiyahan ka geeriyooday, waxaana ka muuqday madasha baroor diiqda hoggaamiyayaal dhaqameed xidhnaa dhar cad cad oo dhaqankooda dhigaayo.

“Waxa jira waxyaabo dhaqameed oo loo baahan yahay marka uu dhinto Oba, tusaale ahaan kuma dhawaaqno dhimashada boqorka oo wargeysyada kuma qorno ,” ayuu yidhi mid ka mid ah cuqaasha sarsare ee qoomiyadaas.

Kooxaha xuquuqal-insaanka ayaa ka digay in dadka Iekja degen in aanay habeenkii bixin, maadaama looga cabsi qabo dadka nugulka ah in la laayo, gaar ahaan dadka xaafadaha danyarta ku nool ee Anifowose,

Xubno boqortooyada qoomiyadan ka tirsan ayaa habeenkii gaaf wareega magaalada dhexdheeda ilaa inta laga helaayo madaxyada toddobada qof ee boqorka lala aasaayo, waxaana dadka degaankaas lagula taliyey in ay goor hore hoydaan, isla markaana guryahooda habeenkii gudaha ugu jiraan.



Ibraahim Khadar Sicid
ibraahimkhs@hotmail.com



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada