Madaxa Al-Shabaab ee G/banaadir oo dad shacab ah kula kulmay Suuqa Xoolaha iyo Dowlada oo..

Madaxa Al-Shabaab ee G/banaadir oo dad shacab ah kula kulmay Suuqa Xoolaha iyo Dowlada oo..

daajis.com:-Waaliga Al-Shabaab ee Gobolka Banaadir Sheekh Maxamad Xuseen `Cali Jabal` ayaa maanta xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa kula kulmay odayaasha deegaankaasi.

Kullankan ayaa waxaa looga hadlay dhibaatooyin ay sheegeen in ciidamada Dowladda ay dadka deegaanka kala kulmaan, iyadoo ay isla soo qaadeen Sheekh Cali Jabal iyo dadkii kulmay sidii ay isaga kaashan lahaayeen ka hortaga dhibaatooyinkaasi ay ka cabanayaan.

Sheekh Cali Jabal ayaa sheegay in shacabka ku nool Suuqa Xoolaha ay soo gaarsiiyeen cabasho ay ka qabaan ciidamada Dowladda oo uu tilmaamay in ay dhibaatooyin kala duwan kala kulmaan, isagoo tilmaamay in ay isla garteen sidii ay ugu hortegi lahaayeen ciidamdaasi ka tirsan Dowladda.

Dhanka kale Afhayeenka cusub ee G/banaadir Cali Seeko ayaa been iyo borobogaando ku tilmaamay in Sheekh Cali Jabal uu dad shacab ah kula kulmay Suuqa Xoolaha, isagoo wararkaasina ku tilmaamay kuwo dadka lagu qaldayo.

Shirkan ayaa waxaa uu kusoo beegmay maalin ka hor, markii Waaliga Al-Shabaab ee Banaadir Cali Jabal uu sidoo kale tartan qur´aan akhris oo uu ka furay magaalada Muqdisho.


Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii u danbeeyay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay weeraro isugu jira dilal iyo qaraxyo ay geysanayeen Al-Shabaab.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada