Rag dilay sargaal ka tirsan taraafikada oo caawa Muqdisho lagu qabtay

Rag dilay sargaal ka tirsan taraafikada oo caawa Muqdisho lagu qabtay

daajis.com:-Sargaal ka tirsan ciidamada iaalada wadooyinka ee Taraafikada ayaa caawa lagu dilay magaalada Muqdisho, iyadoo ay dileen kooxo bastoolado ku hubeysnaa.

Sargaalkaan ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Yuusuf Xasan Cadow Yuusuf Taraafiko, waxaana la sheegay in kooxo bastoolado ku hubeysnaa ay ku toogteen xaafadda Suuq-bacaad ee degmada Kaaraan.

Kooxaha dilay sargaalkaan oo la sheegay inay ka koobnaayeen saddex nin ayaa laba ka mid ah ay ciidamada amaanku qabteen, xilli ay halkaasi ka wadeen howlgallo ay amaanka ku xaqiijinayeen.

Mid ka mid ah saraakiishi qabtay labadan nin ee lala xiriirinayo dilka ayaa warbaahinta u sheegay inay sidoo kale ku raadjoogaan ninka kale ee baxsaday, waxaana uu tilmaamay inay heleen macluumaad ciidamada amaanka u sahlaya inay gacanta kusoo dhigaan gacan ku dhiiglaha saddexaad ee baxsaday.


Dilka sargaalkaan ka tirsanaa ciidamada amaanka ayaa kusoo beegmaya xilli amaanka magaalada Muqdisho oo sii xumaanayo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada