R/wasaaraha oo ka qayb qaatay banaabax lagu soo afmeerayey todobaadka xoriyadda (SAWIRRO)

R/wasaaraha oo ka qayb qaatay banaabax lagu soo afmeerayey todobaadka xoriyadda (SAWIRRO)

daajis.com:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed, ayaa maanta Ubax dhigay xarrumo taariikhi ah oo ku yaala magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, wuxuuna sidoo kale ka qeyb galay banaanbax lagu weynaynayey Munaasabadda 1-da Luuliyo.

Goobahaan ayaa qaarkood waxaa dayactir ku sameeyey maamulka gobolka Banaadir, waxaana RW salaan ka qaatay Ciidamada Bambayda, wuxuuna Ubax dhigay Taallooyinka Sayidka, Xaawo Taako, Dhagax-tuur , SYL, Daljirka Dahsoon, kuwaas oo caalamad u ah gobanimadoonkii Soomaaliya.
Banaanabaxa ayaa waxaa Ra’iisul Wasaaraha ku wehliyey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdullahi Godex Bare, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, Xildhibaano, iyo dadweyne farabadan oo ruxayay calanka Jamhuuriyada iyo sawirrada Madaxda qaranka ayaa socod lug ah uga soo baxay Taalada Sayidka, waxaana ay ku tageen Daljirka Dahsoon oo lagu qabanayay banaanaxa, iyadoo intii ay madaxdu socodka ku jireen ay salaan iyo Hambalyo is weydaarsanayeen dadweyne faro badan oo taagnaa wadada hareeraheeda.

Fanaaniinta Qaranka oo ay kamid ahaayeen Abwaanka Sangub, Maxamed Axmed Qoomaal, iyo kooxaha kala duwan ee Fanaaniinta ayaa ka qaaday heeso wadani ah, sidoo kale waxaa lagu soo bandhigey goobta majaajilo, gabayo iyo waliba Shirib guud ahaanba ka turjumaya maalmaha taariikhiga u ah Soomaalida meel ay joogtaba.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo ugu horreyn banaanbaxa ka hadlay ayaa sheegay ujeedka banaanbaxani inuu yahay soo dhaweynta maalmaha xoriyada. “Mudane Ra’iisul Wasaare halkaan waxaan kusoo gabo-gabeyneynaa usbuucii Xoriyadda oo maalmahaan ka socday Muqdisho, waxaan u mahadcelinayaa guddigii qaban-qaabada iyo dadweynaha ka-kala yimid xaafadaha Muqdisho” ayuu yiri Guddoomiye Muun-gaab.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed oo boqolaal dadweyne ah kula hadlayay Taalada daljirka Dahsoon ayaa ku dheeraaday ahmiyada ay leedahay 1-da Luuliyo iyo halgankii loo soo maray Xorriyada, waxaana uu shacabka Soomaaliyeed ku booriyay inay qaataan mid lamid ah go’aankii dhalinyaradii SYL.
“Waxaa alle mahad-dii ah inaan maanta ku ciideyno xarruntii caanka ahayd ee daljirka Dahsoon oo mudadii bur-burrku socday aan lagu ciidin, maantana aad u jeedaan bilicda iyo quruxda ka muuqata, Sidaa daraadeed waa in aan geed dheer iyo geed gaaban u fuulnaa si aan u adkeynlaheyn midnimadeena iyo wadajirkeena, maanta cadowga naga hortaagan in aan xuriyadeena ku naaloono waa argagaxiso isticmaalaya Soomaali iyo shisheeyaba, hadaba waa inaan si wada jir ah ula dagaalannaa cadowga argagaxisada, waan hubaa haddii aan wadajirno inaan ka guulaysanayno” ayuu yiri Mudane Cabdiwali Sheekh Axmed.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sidoo kale ka hadlayey holwgaladda lagu siffaynayo Nabad-diidka Al-Shabaab oo dhibaato ku haya diinta Islaamka, dhaqanka Soomaaliyeed iyo in ay bulshado ku talaabsato horumarada uu u baahan tahay, waxaana uu yiri: ”
Magaalooyin badan ayaan ka saarnay Nabad-diidka Al-shabaab, waxaa naga go’an in aan soo afjarno dhibaatada ay ku hayaan umadda Soomaaliyeed. Waxaan idiin xaqiijinayaa in dalku uu ku socdo dariiqii saxda ahaa, lagana gudbi doono dhamaan caqabadaha yar yare ee na haysta.

Ugu danbtayntii RW Cabdiwali ayaa sheegay in Xukuumaddu ku howlan tahay sidii adeegyada bulshada loo gaarsiin lahaa dhamaan gobolada Dalka, sidoo kalana goobaha ay ka taliyaan nabad diidka uga xorayn lahayn, si wadaniyiinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan goobahaas ay ugu dabaal dageen hadii Eebe Idmo maalmaha xoriyada sanadka soo socda.

DHAMAAD
 


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:34 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada