Video: - Uhuru Kenyatta oo Muslimiinta Kenya la afuray..

Video: - Uhuru Kenyatta oo Muslimiinta Kenya la afuray..

daajis.com:-Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Hoggaamiyeyaasha Muslimiinta dalka Kenya xalay kula afuray magaalada Kakamega ee dalka Kenya, isagoo khudbad dardaaran ah u jeediyay.

Uhuru Kenyatta oo u soo lebistay qaabka Muslimiinta isagoo soo xertay khamiis, koofiyad cad iyo cimaamad gaduudan oo sanad walba bisha Ramadaan marka uu la kulmayo Muslimiinta soo xerto ayaa wuxuu sheegay in dowladdiisa aysan bartilmaameedsaneyn dadka Muslimiinta ah, isla markaana tixgelin u hayso dowladda Kenya.

Wuxuu ka codsaday dadka Muslimiinta in ay dowladda kala shaqeeyaan sidii looga hortegi lahaa kooxaha Argagixisada oo uu sheegay in ay ku qaraabanayaan magaca Diinta Islaamka.

Uhuru Kenyatta ayaa ka codsaday cid kasta oo Muslim ah kuna nool Kenya inay gacan ku siiyaan sidii loo baabi’in lahaa kooxaha dhibaateynaya amaanka iyo kala danbeynta, wuxuuna meesha ka saaray in dadkaasi ay diin ku duulayaan.


Madaxweynaha Kenya oo uu wehliyay Kuxigeenkiisa ayaa sheegay in dadka Kenya ay isku duuban yihiin.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:23 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada