War deg deg:- Dagaal ka qarxay duleedka Laascaanod & Gaadiid laga gubay

War deg deg:- Dagaal ka qarxay duleedka Laascaanod & Gaadiid laga gubay

daajis.com:-Warar laga helayo Magaaladda Laascaanood ayaa xaqiijinaya dhawaqa madaafiicda iyo rasaasta ay ka maqlayaan deegaanka xero-daanteerta oo aan ka fogayn koonfurta magaaladda laaascaanood kadib markii maleeshiyaadka Somaliland iyo xoogaga khaatumo uu dagaal ku dhex-maray deegaankaasi.
Dagaalkan ayaa qarxay kadib markii Dagaal yahano ka tirsan Maamulka khaatumo iyo kuwa kale oo ka tirsan somaliland  gurmad ahaan ugu socday jiida hore ee saax-dheer isku fara-saareen buuraha iyo boholaha xero-daanyeerta iyadoo wararka xaqiijinayaan in laga gubay 2 tikniko ah oo ay wateen maleeshiyaadka somaliland.
Dagaalkan Oo muddo saacad ah socday ayaa waxaa ka dhashay khasaare nafeed oo soo gaadhay maleeshiyaadka somaliland taas oo noo xaqiijiyeen dadka deegaankaasi oo arkayay dhawaacyo ay siteen maleeshiyaadka somaliland kuwaas oo xero ciidan kuleh koonfurta magaaladda laascaanood.
xidhiidh aan la sameenay Saraakiisha Ciidamada khaatumo ayaa waxay noo sheegeen inay gadaal ka soo gudbin doonaan khasaaraha ka dhashay dagaalka ka qarxay duleedka laascaanood waxayna sheegeen inay wadi doonaan dagaaladda ay kula jiraan maleeshiyaadka somaliland.
Maamulka khaatumo ayaa u muuqda in dhankiisa uu dagaalka u soo raray duleedka laascaanood kadib markii maleeshiyaadka somaliland ay isku dayayaan inay hakiyaan shirweynaha khaatumo3 oo mar kale ka furmaya deegaanka saaaxdheer.

Xigasho:-Xogmaal

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada